Ciidamadda Maraykanka Oo Suuriya Ku Dilay Hogaamiyihii Daacish

0
556

Washington (Hargeisa Press):  Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ciidamadda Maraykanku ay dileen hogaamiyihii kooxda islaamiga ah ee Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

Donald Trump, wuxuu sheegay in hawl gal ay ciidamadda gaarka ah ee Maraykanku ka fuliyeen Woqooyiga dalka Suuriya lagu dilay Al-Baqdaadi.

Warbaahinta Maraykanka ayaa goor hore oo maanta ah baahiyay in hogaamiyihii Daacish lagu dilay guri ku yaalla gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Hase yeeshee Donald Trump, oo dilka Al-Baqdaadi ka hadlay wuxuu shaaciyay in Al-Baqdaadi lagu dilay weerar ka dhacay Woqooyiga Suuriya.

US President Donald Trump speaks during a signing of a US-Japanese trade agreement in the Roosevelt Room of the White House October 7, 2019, in Washington, DC. (Photo by Brendan Smialowski / AFP)

Waxaanu tilmaamay in Al-Baqdaadi weerarka kadib uu ku carraray God, isagoo watay saddex caruur ah.

Gurigii uu deganaa Al-Baqdaadi ayaa la sheegay in laga soo bad-baadiyay ilaa 11 qof, oo la sheegay in aanay wax dhibaato ah qabin ama aanay soo gaadhin.

Waxaanu yidhi “Waxaa uu ku carraray God dhulka hoostiisa ka qodan. Waxaana ku dabo jiray Eyadeena. Waxaanu markaa kadib qarxiyay Jaakadii uu xidhnaa.

Isagoo dilay naftiisa iyo saddexdii caruur ahayd ee uu watay.Jidkiisu waxa uu ku googo’ay qaraxa, waxaa ku soo dumay Godka”.

“Baadhitaankii aanu ku samaynay jidkiisa ayaa noo xaqiijiyay in qofkaasi uu yahay Abuubakar Al-Baqdaadi”ayuu yidhi madaxweyne Trump.

Geesta kale madaxweyne Trump, waxa uu sheegay in wadamadda Turkiga, Ruushka iyo Suuriya oo aanay xataa Maraykanka isku fiicnayn  ay gacan ka gaysteen hawl galka, isla markaana lagu war geliyay ciidamadoodda.

Maxaa Laga Yaqaan Taariikhda Al-Baqdaadi:

Hogaamiyihii kooxda islaamiga ah ee  Daacish ee maanta la dilay Abuubakar Al-Baqdaadi,  waa naanaystiisa. Waxaanu ku dhashay magaaladda Zamara oo ah Woqooyiga dalka Ciraaq sanadkii 1971-kii.

Wuxuu ahaan jiray sheekh ka mida culimadda ku sugan masaajid ku yaalla magaaladda Zamara, xiligii Maraykanku duulaanka ku qaaday dalka Ciraaq sanadkii 2003-dii.

Xiligaasi Al-Baqdaadi waxaa loo arki jiray in uu yahay nin xag jir ah, maadaama uu jiray maamulkii Sadaam Xuseen.

Dadka qaar waxay sheegeen in Al-Baqdaadi uu xabsi ku yaalla Maraykanka oo lagu xidho dadka xag jirka ah uu ku xidhnaa muddo afar sanadood ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here