Ciidamada Sierra Leone oo gabi ahaanba isaga baxay Soomaaliya + SAWIRRO

0
1011

MUQDISHO, (HargeisaPress) — Ciidamadii ka socday dalka Sieraleone ee qeybta ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba isaga baxay Soomaaliya, iyadoo ciidamadani ay dib ugu laabteen wadankooda.

201511763557071434180383320150117_080242(0)

Ururka Midowga Afrika ayaa dhawaan shaaciyay in ciidamada Sieraleone ay dib ugu laaban doonaan dalkooda, iyadoo arintaasi sabab looga dhigay ciidamadii ku sugnaa Soomaaliya oo waayay badal, maadaama dalka Sieraleone uu kamid yahay dalalka Afrika ee uu sameeyay cudurka dilaaga ah ee EBOLA.

Ciidamadan oo ay tiradoodu gaareeysay 900 oo askari islamarkaana intooda badan ku sugnaa gobolka J/hoose ayaa maanta waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka daadgureeyay diyaarado ay leeyihiin Qaramada Midoobay.

201511763557071223275466920150117_080319

Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Jubbaland Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka yaa sheegay in ciidamada Sieralone ay gabi ahaanba isaga baxeen Soomaaliya, isagoo sheegay in lagu soo bedeli doono ciidamo ka iman doona dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Masuulkan ayaa sheegay in dalka Kenya ay ka iman doonaan 450 askari halka Itoobiyana ay ka iman doonaan 450 – kale, kuwaasoo badali doona ciidamada maanta isaga baxay dalka ee ka socday Sieraleone.

Ciidamada ka socday dalka Sieraleone ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa yimid dalka dabayaaqadii bishii Abriil ee sanadda 2013, iyadoo ciidamadaasi ay ku kala sugnaayeen degmada Kismaayo iyo weliba deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka J/hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here