Ciidamada Israa’iil oo kitaabo qur’aan ah ku gubay Masjid ku-yaalla Gaza

0
794

Gaza (Hargeisa Press)- Telefishanka Aljazeera Carabiya, ayaa baahiyay muuqaalo gaar ah oo ay qabteen kamaradaha askarta Israa’iil iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo muujinaya kitaabo qur’aan ah oo ay ciidamada Israa’iil ku gubayaan masjid ku yaalla Gaza.

Aljazeera Carabiya, ayaa sii daayay muuqaalo laga soo qaaday kamaradaha askarta Israa’iil, oo muujinaya ciidamo Israa’iiliyiin ah oo xoog ku galaya masjidka Beni Saleh oo ku yaalla waqooyiga Gaza, iyaga oo jeex-jeexaya bogaga ka mid ah kitaabka qur’aanka ee barakaysan ee Muslimiinta, isla-markaana ku gubaya masaajidka.

Muuqaalada, ayaa waxay muujinayaan Ciidamada Israa’iil oo beegsanaysa dhammaan masaajidda Marinka Gaza. Sidoo kale muuqaalada ayaa muujinaya qabsashadii lagu qarxiyay Masjidka weyn ee magaalada Khan Yuunis oo ka mid ah masaajida ugu faca weyn ee ku yaala Strip oo la dhisay 96 sano ka hor, taasoo ka dhigan in Masjidka weyn ee Khan Yuunis uu labaatan sano ka weyn yahay dowladii qabsatay.

Diyaaradaha Israa’iil, ayaa burburiyay Masjidka taariikhiga ah ee Al-Cumari oo ku yaalla magaalada Gaza ee qadiimiga ah, kaasoo lagu tiriyo mid ka mid ah masaajidda ugu qadiimsan caalamka.

Ururka Xamaas, ayaa ugu baaqay wadamada Carabta iyo kuwa Muslimka ah iyo ururada inay cambaareeyaan oo ay muujiyaan sida ay uga xun yihiin kitaabada qur’aanka ah ee ay ciidamada Israa’iil ku gubeen masjid ku yaala Gaza.

“Gubida nuqulo ka mid ah Qur’aanka iyo sharaf-darrada iyo burburinta masaajidda waxay xaqiijinayaan dabeecadda xagjirka ah ee ururkan iyo askartiisa dambiileyaasha ah ee nacaybka ka buuxo iyo habdhaqankooda faashiistaha ee ka soo horjeeda wax kasta oo la xidhiidha aqoonsiga iyo xurmada qarankeena,” kooxda Falastiiniyiinta ayaa sidaas ku yidhi bayaan.

Sida laga soo xigtay xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza, Israa’iil waxay gebi ahaanba burburisay 610 masaajid 10-kii bilood ee la soo dhaafay iyo 3 kaniisadood oo ku yaalla Gaza, oo ay ku jiraan Kaniisadda St. Porphyrios, oo ah kaniisadda saddexaad ee ugu da’da weyn adduunka.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Warfaafinta Dowladda ee Gaza, laga soo bilaabo Oktoobar 7, qabsashadu waxay gebi ahaanba burburisay 609 masaajid iyo 211 masaajid qayb ahaan.

Sabtidii, Xamaas waxay ugu baaqday “dadka xorta ah ee adduunka” inay u dhaqmaan si ay u difaacaan goobaha quduuska ah ee Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ee Falastiin iyo soo afjarida “dagaalka xasuuqa” ee ka dhanka ah Marinka Gaza.

Duulaanka Israel, ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 40,200 oo falastiiniyiin ah, waxaana qeybo badan oo kamid ah dhulka Falastiin ee la go’doomiyay ay ka dhigeen burbur.

Golaha Xidhiidhka Islaamka iyo Mareykanka, oo ah koox u dooda xuquuqda Mareykanka, ayaa sheegtay in ceebaynta nuqullada Qur’aanka iyo beegsiga masaajidda Gaza ay caddaynayso in “dagaalka Israa’iil ay ku hayso dadka Falastiiniyiinta ah ee Gaza uu sidoo kale dagaal ku yahay Islaamka laftiisa”.

Kooxda, ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuu cambaareeyo xadgudubyada Israa’iil.

“Maamulka Biden waa in uu dhaleeceeyaa diin-xumayntan oo uu hakiyaa hubka lagu wareejinayo dawladda Israa’iil si ay u soo afjarto ololaheeda gawraca iyo gaajada ee Gaza,” Agaasimaha fulinta ee CAIR Nihad Awad ayaa sidan ku yidhi hadal uu soo saaray.

Muslimiinta reer Falastiin ee ku nool Gaza, ayaa sii waday in ay ku tukadaan salaad wadaag ah oo ay garab taagan yihiin burburka masaajidda la burburiyay. Balse dad cibaadeysanayay ayaa dhowr jeer lagu weeraray duqeymo ay Israa’iil ku garaacday goobaha ay ku tukanayeen salaadda.

Bishii hore, weerar ay Israa’iil ku qaadday dad ku cibaadaysanayay oo ku tukanayay meel u dhow masjid la burburiyay oo ku yaalla xerada qaxootiga Shaati ee waqooyiga Qaza, ayaa dilay ugu yaraan 20 qof.

Horaantii bishan, ciidamada Israa’iil, ayaa sidoo kale duqeeyay iskuulo ay gabaad ka dhiganayeen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Gaza salaadii subax, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 100 qof.

Askarta Israa’iil, ayaa marar badan lagu eedeyay inay geysteen xadgudubyo ka dhan ah goobaha barakeysan ee Muslimiinta.

Bishii December ee sannadkii hore, ciidamada Israa’iil, waxay akhriyeen ducooyinka Yuhuudda iyo heesaha Hanukkah oo ku yaalla minbarka masjid ay weerareen oo ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto.

https://www.aljazeera.net/news/2024/8/23/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here