Ceerigaabo (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa magaaladda Ceerigaabo ka dhagax dhigay dhismaha cusbitaalka Dhimirka oo laga dhisi doono magaaladaasi
Dhagax dhigaasi waxaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ku wehelinayay maayarka magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, iyo isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sanaag.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku marayay goboladda Bariga dalka ayaa hore u soo maray magaaladda Burco ka soo fureen cusbitaalka Maandhaye, oo muddo xidhnaa.
Halka ay magaaladda Laascaanood na isla todobaadkan ka dhagax dhigeen cusbitaalka Dhimirka ee ay yeelan doonto magaaladda Laascaanood.
Dr. Xergeeye, oo hadal ka jeediyay goobtii dhagax dhiga cusbitaalkaasi ayaa sheegay in ay wasaaradda caafimaadku waddo qorshe la doonayo in kor loogu qaado wax ka qabashadda xanuunadda Dhimirka ku dhaca.
Agaasime Xergeeye, waxa uu tilmaamay in labaatankii sanadood ee u danbeeyay ay ku jirtay in hoos u dhac uu ku yimid, isla markaana aanay haayadaha caalamiga ah ku bixin jirin wax dhaqaale ah.
Sidaas darteedna qaran ahaan ay Somaliland isku tashatay in ay iyadu miisaaniyadda dawladda ka maalgeliso sidii loo heli lahaa cusbitaallo lagu daaweeyo dadka Dhimirka ka buka.
Geesta kale Dr. Xergeeye, waxa uu sheegay in mudadda uu socdo dhismaha cusbitaalka Dhimirka ee Ceerigaabo in dadka bukaanka ah la sii daawayn doono. Iyadoo la siin doono daawooyin aad u cusub.
Dhinaca kale maayarka magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay cusbitaalka Dhimirka ee laga dhigi doono magaaladda Ceerigaabo.
Waxaanu sheegay in baahi weyn loo qababay helitaanka cusbitaal lagu daaweeyo dadka Dhimirka ka buka, isla markaana ay wasaaradda caafimaadka Somaliland uga mahad celinayaan hirgelinta cusbitaalkani.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.