Carruur Si Arxan Darro Ah Loogu Dilay Dowlad Deegaanka Soomaalida

0
1328

Jigjga (Hargeisa Press)- Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya dil wadareed xalay carruur loogu geystay deegaanka Qorof oo hoostaga degmada Gallaadi oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Falkan argagaxa leh oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan, ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa 5 carruur ah, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanku.

Wararka, ayaa sheegaya in dilka uu salka ku hayo aano qabiil, iyada oo carruurta hal goob lagu wada dilay, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay dhacdadaasi.

Xilliga la dilayay carruurta, ayaa waxa ay ka yimaadeen aroos, waxaana la sheegay inay seexdeen meel u dhow dugsigooda Qur’aanka, kadib halkaas loogu yimid, laguna dilay.

Dhammaan shanta carrruur ee goobta lagu dilay ayaan qaan-gaadhin, waxaana la sheegay in midka ugu weyn uu jiray 13 sanno, halka kan ugu yarna uu ahaa 6 sanno jir.

Carruurta, ayaa sidoo kale laba ka mid ah waxay ahaayeen agoon, kuwaas oo hore aabahood, sidan oo kale loogu dilay aano Qabiil darteed.

Xaaladda, ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca is-maamulka Soomaalida oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.

Falkan, ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka deegaanka, maadaama si lama filaan ah xalay loo laayay illaa 5 carruur ah oo aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here