Cabdillaahi Cukuse oo ka Hadlay Tuhunno Laga Bixiyey Kulan ay Isugu Yimaadeen Xubno ka Mid ah Wasiirradii Hore

0
1283

“Niman iska qadeeyey oo meel iska fadhiyeyna ninkii shaki ka galayowba xaal qaado waxba kama jirin, waa niman isku yimid oo qudha”

Hargeysa (HargeisaPress) —Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka hadlay tuhunno ka dhashay kulan qado ah oo ay xubno ka mid ah golihii hore ee wasiirradu ku yeesheen magaalada Hargeysa maalintii Sabtida ee toddobaadkan.

Md. Cabdillaahi Cukuse oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa maanta, ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi ahaa mid aanay ku jirin wax ujeedo ah oo ay lahaayeen wasiirradaasi, balse uu ahaa kulan qado ah cidda si kale u fasiratayna ay khaldan tahay.

“Waan arkayey niman waaweyn oo tafsiir khaldan siiyey kulankii qadada ahaa ee aanu yeelanay waa arrin aan aad ula yaabay, qadadani waxba kamay duwanayn qadooyinka, Hudheelbaa lagu iibinayey waanu ka iibsanay waanu cunay, wax weyn oo mushkilad ah oo yaalay may jirin, dad is casuumayna waanu ahayn, golihii wasiiradana maanaan ahayn oo waxaannu ahayn niman shacab ah, waxaannu ahaan jirnay xubnihii xukuumadda madaxweynihii hore ee Axmed Silaanyo, waxaannu Axmed Silaanyo noo sheegay kulankii ugu dambeeyey in uu wakhtigii dhammaaday, anaguna waxaannu ku qanacsanayn in wakhtigii dhammaaday, xubnaha Golaha Wasiirrada ee madaxweynaha cusubi magacaabayna waanu ku faraxsanahay oo qofba qofbaa beddelay oo kollay Wasiirka anniga xilka igala wareegay ee Xasan Gaafaadhi waa saaxiibkay, Yuusuf Yare-na (Wasiirka cusub ee Maaliyadda) anniga ayaa dhisay. Wax alla wax cuqdad ah oo meeshaa ku dhex jirtaana ma jirto, ninka yidhi laba madaxweyne ayaa jirana Istaaqfurullaah dheh ayeynu odhanaynaa, waa Saaxiibkaygii gaboobay waan ka xumahay in male noocaas oo kale ahi ku soo noqdo, Axmed Silaanyo-na ma qabato oo Axmed Siilaanyo isaga ayaa dhalay oo sameeyey Muuse Biixi oo isaga ayaa madaxweynenimadiisa aabbo u ahaa, anagana waa madaxweynahayagii toban cisho ayuu joogaye hadalka ka daaya, niman iska qadeeyey oo meel iska fadhiyeyna ninkii shaki ka galayowba xaal qaado waxba kama jirin, waa niman isku yimid oo qudha,” ayuu yidhi Cabdillaahi Cukuse.

Waxa kaloo uu sheegay in hadal uu hore u yidhi uu ula jeeday Hantidhoawraha guud, balse aanu ula jeedinin wasiirada cusub, waxaannu yidhi “Khibrad la’aanbaa u geynaysa maalin dhowayd ayaan isticmaalay eraygaas oo waxa loo qaatay in aan u jeedo xubnaha golaha wasiirrada cusub, maaha waxaan u jeedaa kan yar ee Hanti-dhawraha ah ee Ku-simaha iyo ciyaalkan maalin walba TV-ga fadhiya ee dawladnimada ku ciyaaraya, maaha kuwo uu Muuse Biixi magacaabay waa kuwo dawladdayadii ka mid ah kuwan aan leeyahay way khaldan yihiin waa ku sime, TV-ga inta uu fadhiisanayo wuxuba waa labaatan qofe inuu warqad u qoro saw maaha, mida kale markii aanu wasaaradaha wareejinaynay wax alla wixii ay wasaaraduhu heshiis galeen waanu wareejinayba oo madaxweynaha ayaa lagu wareejinayey, koobina wasiirka cusub ee xilka tirsaday ayaa la siinayey.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here