Oodweyne (HP): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maantaa dhagax dhigey mashruuca dhismaha wadada isku xidhaysa Burco, Oodweyne iyo Hargaysa.
Wadadan oo dhan 184KM, ayaa waxa madaxwayne ku xigeenka ku wehelinayay, wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka Cabdillahi Abokor Cisman, Maareeyaha wakaaladda horumarinta waddooyinka Axmed Yusuf Maxamed.
Wasiirradda waxbarashada, Dastuurka, Xannaanada Xoolaha, Gaashaandhiga, Deegaanka, Gudoomiyaha Baanka dhexe Ibraahim Cali Baqdaadi, Ganacsato, Salaadiin, Cuqaal, Haween iyomasuuliyiin ka socotay labada xisbi ee UCID iyo Wadani.
Ugu dambayntiina waxay Madaxwayne ku xigeenka iyo waftiisu ka qayb galeen Xafladda Bilawga dhismaha Waddada Burco-Oodweyne-Hargaysa oo si fiican loo soo agaasimay.
Waxaana lagaga hadlay wadada iyo ahmiyadda ay u leedahay umada iyo dhamaanba qaranka Jsl isla markaasina uu masuul waliba ku hadlay meeqaamkiisa ayaa waxaa soo afmeeray Madaxwayne ku xigeenka Jsl.