Burco (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa maanta magaaladda Burco kaga qayb galay xaflad soo sameeyay arday ka qalin jebisay jaamacadda Alpha faraceedda Burco.
Waxa kaloo munaasibadaasi ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, agaasimeyaal guud, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Alpha.
Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay waalidiinta ardayda ka qalin jebiyay jaamacadda Alpha faraceedda Burco, ardayda qalin jebiyay iyo marti sharaf kale.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka xidhiidhka goleyaasha oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay ardayda qqlin jebiyay.
Waxaanu wasiirku ardayda qalin jebiyay kula dar-daarmay in ay dalkoodda u shaqeeyaan, isla markaana ay noqdaan muwaadiniin qarankoodda iyo dalkoodaba jecel.