Hargaysa (HP): Siyaasi Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa sheegay in dhibaatooyin dhaqaale xumo iyo caqabo kale ay haystaan bulshadda gobolka Togdheer.
Ex-xildhibaan Bidhi, waxa uu tilmaamay dhibaatooyinkaasi ay ka mid tahay
Waxaanu sheegay tusaale ahaan xiliyadii dawladii Siyaad Barre, ay bulshadda magaaladda Burco ka nolol fiicnaayeen mudadda ay Somaliland jirtay.
Siyaasi Mubaarig Yuusuf Bidhi, oo magaaladda Hargaysa waraysi dhinacyo badan taabanaya ku siiyay SahanTv, waxa kaloo uu sheegay in dhaqaale ahaan ay jiraan caqabado haysta magaaladda Burco.
Ex-xildhibaan Bidhi, oo ka mid ahaa golihii deegaanka Burco ee hore, isla markaana ka mid ah qurbe joogya reer Somaliland ee degan dalka Ingiriiska.
Waxaanu siyaasi Bidhi, ka hadlay xaaladda guud ee gobolka Togdheer iyo magaaladda Burco, gaar ahaana xaaladaha abaarta iyo biyo la’aanta ka taagan gobolkaasi.
DAAWO: Waraysiga Mubaarig Bidhi:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.