Bulshada Somaliland ee Dalka Switzerland oo Qoraal Rasmi ah u gudbiyay Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva

0
1137

Ganeva (HargeisaPress)– Dhaq-dhaqaaqa Aqoonsiga Somaliland ee dalalka caalamka ayaa soo xoogaysanaya maalinba maalinta ka danbaysa, waxaana dhaw wakhtigii ay dunidu garwaaqsan lahayd dawladnimda Somaliland.

Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxa bannaanbaxa ka dhigay bulshada Somaliland ee dalkaasi oo ay weheliyaan bulshada qaar ka mid ah dalalka Yurub, waxaanay muujiyeen ka sida ay uga go’an tahay taageerada dadkooda iyo dalkoodaba iyo sidii ay caalamka uga heli lahaayeen Aqoonsi buuxa.

Safiirka Somaliland ee midawga Yurub Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo bannaanbaxaasi kala qayb galay Jaaliyada Somaliland ee dalka Switzerland ayaa sheegay inay qoraal rasmi ah u gudbiyeen madaxa xafiiska ee xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, kaasi oo ay ku faahfaahinayaa qadiyada xaqa reer Somaliland iyo inay waajib tahay in la Aqoonsado dalkooda.

Qoraal kooban oo Safiirka Somaliland ee midawga Yurub oo bannaanbaxaasi ku faahfaahiyay ayaa waxa uu u dhignaa si tan:-

“Sharaf weyn ayay ii ahayd inaan Jaaliyadaha reer Somaliland ee Dalkan Switzerland kala qayb galo banaabax lagu taageerayo Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland oo ka dhacay afaafka dhismaha Qaramada midoobay ee magaalada Geneva.

Jaaliyadaha banaanbaxa ka soo qayb galay oo ka kala yimi Faransiiska, UK, Germany, iyo xubno Australia ka yimi iyo Jaaliyada reer Somaliland waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay taageerada Dalkooda iyo dadkooda.

Gebo’gabadii bannaanbaxa waxaan Qoraal Rasmi ah u gudbinay Madaxa Xafiiska Xarunta Qaramada Midoobay ee magaaladan Geneva. Qoraalkaas oo aan ku faahfaahinay Qadiyada Xaqa ah ee Reer Somaliland iyo in ay waajib tahay in Caalamku aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland”.

Amb Kaysar

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here