Bulshada gobolka Hawd oo taageero ballaadhan u muujiyay Xisbiga Kulmiye

0
951

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga muxaafidka ah ee talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa waxaa uu soo dhaweyn ballaadhan u sameeyay beelaha Subeer-celi ee dega magaalada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Salaadiinta, cuqaasha, dhallinyarada, aqoonyahanka, haweenka iyo siyaasiyiinta beelaha Subeer-celi ee dega gobolka Hawd, ayaa muujiyey taageerada iyo cududda laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Munaasibad ay beelahani ku muujinayeen taageeradooda oo ay ka qaybgaleen xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga Kulmiye, wasiirro iyo haldoor kale, ayaa lagu soo bandhigay taageerada luxdan ee ay u hayaan murrashaxiinta jagooyinka madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye.

Madaxda dhaqanka ee beesha, siyaasiyiin, haween iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inay taageersan yihiin xisbiga Kulmiye, isla-markaana cod iyo cudud ba la garab geli doonaan.

Hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada oo madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey muujinta taageerada beelaha Subeer-celi ee dhinaca Kulmiye.

Waxana hoggaanka iyo xubnaha golaha Wasiirradu xuseen inay xisbi ahaan si weyn uga tashadaan taageerada beelahan.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here