Boqolaal Soomaali Ah Oo Maanta Dibad-bax Cabasho Ah Isugu Soo Baxay Magaalada Erfurt Ee Dalka Jarmalka + SAWIRRO

0
1019

ERFURT, Germen (HargeisaPress) — Boqolaal Soomaali ah ayaa maanta dibad bax cabasho ah isugu soo baxay magaalada Erfurt, ee gobolka Thuringen, oo ku yaalla badhtamaha dalka Germen, iyaga muujinaya cabashadooda ku wajahan sharci la’aan dalkaa ku haysata.

  Soomaalida Jarmalka Oo Dibadbax Dhigay 4

 

Magaalada Erfurt,  waxa ku nool qaxooti Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay 250 qof oo u badan kuwo muddo dhawayd soo galay halkaas.

 

Xiis Cabdisalaam Cilmi oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay dibad baxii maanta dhacay, ayaa idaacada VOA u sheegay in Soomaalida maanta dibad baxa dhigtay oo ay tiradoodu ahayd 250 qof in Seddex qof oo kaliya oo ka mid ahi ay haystaan sharci.

Soomaalida Jarmalka Oo Dibadbax Dhigay

Soomaalida banaanbaxa sameeyey maanta ayaa sheegay inay sharci la’aanta ka qaadeen dhibaatootyin ay ka mid yihiin inaysan heli karin waxbarasho, taas oo sababtay in ay maanta dibad bax cabasho ah ay ka hor sameeyaan waaxda sharciyada ee gobolka Thuringen ee dalkaasi.

 

 

Soomaalidan maanta banaanbaxan dhigtay ayaa lagu soo waramayaa in ay masuuliyiin Jarmal ahi ay u sheegeen in si dhakhso ah loo dedajin doono dib u eegista codsiyadooda sharci, loona ogolaan doono in ay helaan sharciyo ay dalkaa ku deganaadaan.

 

 

Cabdikariim Qoorgaab – Hanover, Germany

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here