“…Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”
Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya,
(Light at the end of the tunnel)
Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Hargeysa: 30/5/2015ka
Qormada: 7aad
Ibraahin Meygaag Samatar wuu ka sii durkayaa mowduucyadii uu ku gorfaynayay qoraalkiisan taariikhiga ah ee aan hortii cidina ku dhiirran in ay qalinka u qaaddo.
Wuxu intaa hore ku kabayaa:
“Bal se waalli ayaa ku jirta hab-raaca ama hab-dhaqanka (method). Si mowduucyada loo qiimeeyo ama dib loogu eego, dunta isku xidhaa waxay noqonaysaa helitaanka arrimihii mar-soo-dhaca ahaa (casual) ee sababta u ahaa burburkii dawladdii Soomaaliyeed iyo saamayntii burburkaasi ku yeeshay bulshada rayidka ah. Baadi-doonka ama goobidda arrimahan mar-soo-dhaca ah laftooda ayaa ah helitaanka siyaabaha dib loogu ambo-qaadi karo nolosha. Baadi-goobka arrimahan mar-soo-dhaca ah ayaa qasbaya in iftiinka lagu shido oo la bayaamiyo lammanayaal door ah: Ku-tiirsanaanta cid kale iyo isku-tiirsanaantaada ama isku-talo-galkaaga, awood dawladeed oo urursan iyo dimuqraadiyadda talo-wadaagga ah iyo dhismayaasha dhaqan iyo dhismayaasha casriga ah. In kasta oo ay dhammaan lammanayaashaasi isku xidhan yihiin haddana is-diiddo ayaa ka dhexeysa – lammaane kastaa wuu is-buuxinayaa ama is-kaabayaa: si kale haddii aan u dhigana waa loollan taariikhiya oo ka dhexeeya duugga iyo cusaybka.”
Ibraahin Meygaag Samatar isaga oo qormadiisan hore ugu sii socday wuxu intaa ku daray:
“Doodda iyo falanqaynta arrimahan lagu dhex gorfaynayo qoraalkani waxa ay u socotaa iyada oo si gaar ah oo camaliya loogu xidhiidhinaayo ama loogu taxayo halgankii hubeysnaa ee SNM iyo aragtidii halgankaa laga lahaaba. Sidaa darteed qoraalkani ma noqonayo qiimeyn aragtiyeed ama dhigaalka dhacdooyinkii la soo maray. Mid kasta wax baa kaga jira, bal se waxa looga gol leeyahay in la soo ururiyo waayo-aragnimadii la kasbaday oo qoraalkan lagu hormeeyo.”
Intaa kooban haddii uu Ibraahin Meygaag Samatar qoraalkiisan hor-dhac iyo hormaynba uga dhigay, si dhumuc leh oo muuqata ayuu u dhex gelayaa obocda qoraalkiisa.
Qoraalkan intiisa badan Ibraahin Meygaag Samatar wuxu u hurayaa SNM oo uu qayb adkayd oo noloshiisa ka mid ahayd ku soo qaatay. Bal hadda aan yar daalacanno sida uu dhaqankii iyo halgankii hubeysnaa ee SNM ugu xidhayo ama taxayoba horumarka Somaliland ka jira, waxaanu qoray:
“…..Waxaanu aamminsan nahay in guusha la arki karo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo tamar-darradeeduba ay ka soo jeedaan ama ka soo maaxanayaan oo ay sabab u tahay waayo-aragnimada halgankii SNM ee lagaga soo hor jeeday digtaatooriyaddii Siyaad Barre. Sidii ay SNM u maareysay ama u maareyn kari weyday arrimihii la soo gudboonaaday, sidii ay SNM uga faa’iidaysatay ama uga faa’iidaysan kari weyday fursadihii soo maray iyo sidii ay hantaaqooyinkii SNM soo maray u tanaadiyeen ama u weydeeyeen waay-aragnimadaa, ayaa dhammaantood ah dhaxal aan guurayn oo wixii la kasbaday ah ama midhihii laga goostay halgankaa hubeysnaa.
Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”
Inta aanu obocda qoraalkiisa gelin, afeef yar oo kooban ayaa weli u hadhsan Mujaahid Ibraahin Meygaag Samatar, waxaanu odhanayaa:
“Ugu danbayn anigu qof dhex ah ma ahi. Aniga oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii SNM dhex kama noqon karo. Aniga oo aan ka hadlayn in SNM gefaf samaysay iyo in kale, xaqiiqadu waxa ay tahay in aanan dhex ka noqon karayn qaddiyadda xoreyneed ee lagaga hor tegayay nidaam xuquuqdii dadka duudsiyay. Hadda tan macnaheedu ma aha in aanan qaadanayn wixii run ah. Qof xornimo u dagaallamayaa kama baaqsan karo in uu runta u maro daw kasta oo adag. Dhex-dhexaadnimada waxa looga baahan yahay qof garsoore ah oo dacwad maxkamadeed qaadaya. Laakiin, qaddiyadaha taariikhiga ahi waxa ay u baahan yihiin taageero iyo u-hiilin xaqiiqadu ku ladhan tahay ama aan runta ka tagganayn.”
Intaa kooban ka dib Ibraahin Meygaag Samatar wuxu u ambo-baxayaa qoraalkiisa isaga oo hadba rabac qaadaa-dhigaya. Wuxu ku bilaabayaa kaalinta dawladda Maraykanka oo noqotay cududda ugu xoog weyn adduunka wixii ka danbeeyay dagaalkii qaboobaa ee bariga iyo galbeedka, ka dib markii ay burbureen Midowgii Soofiyetiga iyo bahdiisii Warsaw.
Wuxu ku xiigsiinayaa Qarammada Midoobay oo uu ku tilmaamayo Ibraahin Meygaag Samatar in tahay wakiilka beesha caalamka xagga aqoonta, cilmiga, garaadka iyo wax-qabadkaba. Bal hadda wax yar oo aan sidaa u sii badnayn aan ka soo qaadanno inta Ibraahin Meygaag Samatar ka yidhi:
“….Maalintii Siyaad Barre la jebiyay, Hay’adihii Qarammada Midoobay iyo shaqaalihiiba waa ay baxsadeen sidii wax ay ka tirsanaayeen nidaamkiisa, halkii ay ka ahayd in ay gutaan xilalkii kaga beegnaa ummadda Soomaaliyeed ee ay u adeegayeen. Haddii bixidda iyo baxsiga hawl-wadeennada QM loo cuskaday badbaadadooda oo ah wax aan la qaadan karin, waxa ay ahayd in la dejiyo qorshe ay ku soo noqdaan oo ay ku hawl galaan.”
Ibraahin Meygaag Samatar, waxyaabaha kale ee uu qoraalkiisan daabacmay ku soo qaadanayo waxa ka mid ah dhalliilo SNM loogu soo jeediyo in aanay aragti sugan lahayn, waxaanu kaga jawaabayaa weedhahan soo socda:
“….Qaar idin ka mid ah ayaa aad ugu fogaada eedeynta SNM ay ku eedenayaan in ay ahayd xarakad ama dhaqdhaqaaq aan aragti lahayn, aan barnaamaj-siyaasadeed lahayn, aan Mujaahidiin anshax (dishiplined) leh lahayn oo intaa ka dib aan abaabuli karin ama dhisi karinba maamul suubban oo hadhow marka nidaamka la rido buuxin kara madhnaanshaha soo baxa ama xilalka bannaanaada. Kuwa sidaa u naqdiyaya SNM malahayga waxa fiicnaan lahayd in ay sugaan in ay xilka qabato. 1991kii iyo 1993kii intii u dhexeysay curyaamintii iyo dagaalladii sokeeye ee ku lammaanaa ayaa dadka baday in ay lumiyaan dulqaadkii. Waxay ku guuleysteen in ay beddelaan nidaamkii SNM bilowgii 1993kii, iyada oo aanay sidaa raalli ka ahayn qaybo ka mid ah dadkii SNM hoggaaminayay.
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)