“Biyuhu mar na waa nolol mar na waxay khatar ku yihiin nolosha…” Saylici

0
296

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in siyaasadda xukuumadu tahay in bulshadu ay dhamaantood wada helaan biyo nadiif ah 80% si loo hello bulsho caafimaad qabta.
Waxaanu tilmaamay Saylici, in ay masuuliyad wadarreed tahay in bulshadeenu ka wada qayb qaadato sidii biyaha la cabayo loo kaydsan lahaa nadaafadoodada na loo wada ilaalin lahaa, isla markaana bulshadda reer Somaliland looga baahan yahay in qof waliba uu qayb ka noqdo in la hello isbedel dhab ah oo ku yimaadda dhinaca biyaha.


Isagoona xusay in la gaadho Yoolkaasi aynu u socono sidii loo heli lahaa ay tahay siyaasadda xukuumadda Somaliland ee dhinaca biyaha, taasoo keenayso in dadkeenu ay helaan nolol wanaagsan iyo biyo nadiif ah.
Sidaas darteed na ay mustaqbalka noqonayso in la gaadho oo ay bulshadeenu noqonayso bulsho wada caafimaad qabta marka ay wada helaan biyo nadiif ah oo caafimaad qaba. Waxaanu sheegay in biyuhu ay yihiin nimcooyinka uu ALLE SWT ku amanaystay addoomihiisa, isla markaana ay biyuhu qiimo weyn u leeyihiin jiritaanka nolosha noolaha oo dhan oo ay mar kasta u baahan yihiin dad iyo duunya ba.
C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta Biyaha Adduunka oo sanad walba 22-ka bisha March laga xuso wadamo badan oo caalamka ah, taasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda biyaha Somaliland.
Waxaana xafladaasi lagu xusayay maalinta biyaha adduunka ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), wasiir ku-xigeenka wasaaradda biyaha Siciid Axmed Jibriil, wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Axmed Aadam Buuxane, masuuliyiin ka socday haayadaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda biyaha, iyo marti sharaf kale.


Saylici, waxa uu tilmaamay in aanay nolosheene biyaha ka maar-maynin, sidaas darteedna ay adduunyadu u samaysay xuska maalinta biyaha adduunka in ay isku xasuusiso qiimaha ay biyuhu leeyihiin. Iyadoona loo asteeyay xuska maalinta biyaha adduunka 22-ka bishan March, oo sanad kasta wadamo badan oo caalamka ah laga xuso.
Waxaana xuskaasi u jeedadiisu tahay in la isku xasuusiyo sida biyaha loo tashiilanayo, iyo sida loo kaydsanayo, iyo sida nadaafadoodda loo ilaalinayo.


Geesta kale madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in weli aanay bulshadeenu fahmin qiimaha ay leedahay in biyuhu la kaydsado, isla markaana marka uu roobku da’ayo in roobka guryaha biyaha ka yimaadaa ay khasaare u gaystaan waddooyinka.

DAAWO: Khudbadda Wasiirka Khayraadka Biyaha ee xuska maalinta Biyaha Aduunka:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here