Berbera: Jeeg Lacag Qadarkeedu Yahay Konton Kun Oo Dollar Ku Qoran Tahay Oo Fashilmay Iyo Ganacsade Loo Xidhay Oo Arrintan Ka Hadlay

0
1224

Berbera, (HargeisaPress) —Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa Xabsiga u taxaabay xalay fiidkii Cabdiwahaab Maxamuud Aw Caqli oo ka tirsan Ganacsatada waawayn ee magaaladaas, waxaana lagu eedeeyey Ganacsadahaas inuu gacanta ku hayo Jeeg Lacageed oo sida eedda loo dhigay la sheegay in laga xaday Waaxda Maaliyadda dawladda Hoose ee Berbera, Jeeggaas oo muujiyey fadeexad musuqmaasuq oo kashifantay.

 

Jeeggaas oo xaddiga lacagta ku qorani dhan yahay saddex boqol oo Milyan oo Shilinka Somaliland ah (300,000,000), isla markaana u dhiganta lacag gaadhaysa illaa Konton Kun oo Doollarka Maraykanka ah($50,000). Waxaana  jeegaas ku qoran Guddoomiyaha Guddiga Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaaan Maxamed Cali Xirsi oo isaguna isla Berbera ku sugan.

 

Ganacsate Cabdiwahaab Maxamuud Aw Caqli oo ah Ganacsadaha leh Aw Caqli Super Market iyo Aw Caqli Huteel ee magaalada Berbera, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey in la xidhay muddo saddex saacadood ah oo xalay ahaa, waxaanu yidhi; “Waxa ii yeedhay C.I.D-da, ka dibna waa la I xidhay, waxaanan xidhnaa muddo saddex saacadood, waxaana la igu eedeeyey inaan Jeeg ka xaday dawladda Hoose ee Berbera.”

 

Mar la weydiiyey inuu arkay Jeegga lagu eedeeyey iyo sida xalay ahaanba lagu soo daayey isaga, waxa uu ku jawaabay; “Jeeggaasi waxa uu si qalad ah u soo raacay Jeegag kale oo aan anigu lahaa, oo aan ka soo qaatay dawladda Hoose, markii dambena waan u celiyey. Dammaanad ayaa la igu soo daayey, waxaana isoo damiintay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi.”

 

Waxa uu Cabdiwahaab Aw Caqli oo ka jawaabayey haddii uu sidaa dib ugu celiyey Jeeggu markuu arkay inuu qalad u soo raacay, waxa keenay xadhiggiisan, ayuu ku jawaabay; “Xadhiggan la igula kacay waxaan u arkaa mid ay keentay maamul-xumo iyo xafiiltanka masuuliyiinta ka dhexeeya ee ku aaddan musuqmaasuqa.”

 

Geesta kale, Guddoomiyaha Guddiga Daba-galka Musuq-maasuqa iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo isagoo ku sugan magaalada Berbera isla xalay Wargeyska Himilo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey arrintan, ayaa ku jawaabay; “Arrintaas wax aan ka ogahay haba-yaraatee ma jirto.”

 

Masuuliyiinta Degmada Berbera ayaan arrintan wax tafaasiil ah ka bixin, iyadoo aan xogo dheeraad ah laga hayn sifaha lacagta ku dhaw kontonka kun ee doolar ku baxaysay iyo sababaha keenay in xildhibaan wakiillada ka tirsan ku qornaado maaliyad dawladda hoose ee Berbera lagala baxayo.

 

Lacagta ku dhaw kontonka kun ee Doollar, ayaa la sheegay in lagula baxayey Mashruuc dhirayn ah oo laga hirgelinayo magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil. Mashruucaas oo la sheegay inay ku hirdamayeen laba Garab oo ka wada tirsan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo la sheegay inay yihiin kuwa ugu dhadhaw Duqa Berbera ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka degmadaas oo ay la kala safan sida la sheegay Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana la filayaa in Maamulka gobolku arrintaas kaga gar-niqi doono isla Berbera.

 

 

Wargeyska Himilo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here