Bangiga Adduunka oo Somaliland ka-fulinaya mashruuc ku-kacaya $18 milyan oo dollar

0
1930

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Beeraha Somaliland oo kaashaneysa Wasaaradaha Deegaanka, Xannaanada Xoolaha iyo Reer Miyiga, ayaa maanta daahfurtay mashruuca kobcinta quudka iyo deegaanka (Somaliland Food Systems Resilience Project).

Madasha daah-furka mashruucan, ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, agaasimeyaal guud, hay’addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga, ururrada bulshada rayidka, iskaashatooyinka beeraleyda iyo xoolaha.

Kalmado laga jeediyey madasha, ayaa wuxuu nuxurkoodu daaranaa sidii looga faa’iideysan lahaa mashruuca iyada oo la iskaashanayo, si ay Somaliland u hesho mashaariicda horumarineed ee ay bixiyaan bangiga adduunka iyo wadamada deeq bixiyeyaasha ee caalamka.

Mashruucan oo wax looga qaban doono horumarinta beeraha, xoolaha iyo ilaalinta deegaanka, ayaa waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka.

Sidoo kale, mashruucan kobcinta quudka iyo deegaanka, ayaa ku kici doona lacag dhan $18 Milyan oo Dollar.

Wasaaradda Beeraha oo mashruuca hoggaamin doonta, ayaa sidoo kale waxaa qeybo ka mid ah fulin doona Wasaaradahada Deegaanka, Xannaanada Xoolaha iyo Reer Miyiga.

 

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here