Brussels (Hargeisa Press)- Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalalka Belgium, Jarmalka, Faransiiska iyo Holand, ayaa banaan-bax lagu taageerayo qadiyada madax-banaanida Somaliland ka sameeyay xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Brussels.
Waxaana ay Jaaliyadaha Somaliland halkaasi ku gudbiyeen qoraalo ku saabsan qadiyada Somaliland ee 33 jirsatay iyo sida ay muhiimka u tahay in Caalamku u aqoonsado dal madax-banaan.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wakiillada Somaliland ee dalalka Belgium-ka iyo Faransiiska, ayaa Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalalkaasi kala qayb galay banaan-baxaasi.
Jaaliyadaha, ayaa sidoo kale halkaasi waxaa ay ku soo bandhigeen qoraalo ay ku xardhanyihiin Heshiiskii Isfahan ee dhawaan dhexmaray dalalka Somaliland iyo Itoobiya.