Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye) Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
1027

boobeBallan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

 “Wadaamaha la dawdabay,   Dan-yartay ka maqan tahay,   Raacdadu ma daallana,   Dorraad iyo shalay-jire,

Doorka maanta noo jire,   Dib-u-jire hadhow-jire,   Ninba weel u daray baa,   Deyn loogu leeyahay,

Diiwaanka qarankiyo,   Taariikhdu dug ma leh,”

 

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Qormada: 3aad

15/12/2014ka, Hargeysa,

Gudo-galka Barnaamajka:

Innaga oo aan raaci doonin, sida ay Tusmadani u dhigan tahay, ayaynu si teel-teel ah bal hadda u soo qaadanaynaa qaar ka mid ah waxyaabihii la inoo muuseeyay ee codkeennii la inaga siistay.

Si loo hirgeliyo Barnaamaj Xisbi/Xukuumadi dhigatay waxa lama-huraan iyo qasabba ah in uu ab iyo hooyaba leeyahay ama uu tusmo iyo tix-raacba leeyahay. Waxaan uga gol leeyahay in uu leeyahay cid hirgelisa oo mas’uuliyaddiisu guud ahaanba ay saran tahay.

Barnaamajkan Xisbi Kulmiye la yidhaahdo ayaa ku galay doorashadii Madaxtooyada ee 2010kii. Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxiisii Siilaanyo ayaa doorashadii ku guulaystay. Mudane Siilaanyo bilowgii muddo-xileedkiisaba waa uu iska dhigay xilkii Guddoomiyennimo ee Xisbiga Kulmiye oo Muuse Biixi Cabdi ayuu ku wareejiyay sidii uu heshiisku ahaa intii aanay doorashadaba gelin. Madaxweynuhu, markii uu Madaxtooyada galay, wax awood ah oo Xisbiga Kulmiye looga tegay ma jirin, ilaa maantadaa aynu joognana ma jirto. Sidaas ayaanu Xisbiga Kulmiye u lahayn awood uu Barnaamajkaa ballan-qaadka ahaa uu ku fuliyo. Madaxweynihii Barnaamajkan doorashada ku galay ee guulaystayna inta uu Golihiisa Wasiirrada Barnaamajkan hor dhigay fulintiisa xeer iyo go’aan midnaba kama dhigin si ay Xukuumaddu ugu qasbanaato in ay fuliso. Barnaamajka saranseerkaas ku dhacay ayaa la ina leeyahay waa la fuliyay 100%. Subxaan!

Waxba yaynaan ku sii tiigaalin Hordhaca iyo Farriinta Guddoomiyaha. Aynu ballaysin ka dhiganno Bogga 10aad oo lagu xardhay Himilada Xisbiga Kulmiye:

Wax sidaa u sii ridanba ma aha. Saddex Qodob oo keliya ayay ku soo koobeen. Aynu xabbad-qaadno:

  1. Xisbiga kulmiye wuxu ku hawl-gelayaa xaqiijinta iyo taabbo-gelinta Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka-mid-noqoshada beesha caalamiga ah iyada oo ah dawlad la aqoonsan yahay.

Faallo aan dheerayn:

Kaaf iyo kala-dheeri ma maqli jirteen! Horto Somalilandtan Xisbiga Kulmiye sheegayaa meeday? Mee dalkii mideysnaa ee Ra’yaale u tiriyay Xukuumaddan aan la mahadin ee dal iyo dadba la eeday. Bishii feeberweri, 2012kii sidii ay wada-hadallada baas ula bilowday Dawladda Federaalka ah ee Muqdisho, miyaanay madax-bannaanideennii iyo rajadeenniiba gelin mugdi iyo meel aan la malaysan karin.

Waxaynu ka wada war qabnay waayaha colaadeed ee ka taagan gobollada Bari ee Somaliland iyo xaaladaha dagaal ee ka taagan. Innaga oo ka dheregsanayn dhiilladii ka dhacday Kalshaale iyo degaammada ku xeersan, waa tii ay shirarku ka dhaceen Taleex ee Maamul-ku-sheegga Khaatumo lagu sameeyay. Waa mid ka mid ah waayaha cusub ee ka beermay Bari. Saansaankii colaadeed waa taagan yahay.

Maantana waxa laga sheekaynayaa Gobolka Awdal oo la leeyahay Suldaan ayaa ka dhawaaqay. Wasiirro ayaa loo diray. Ciidammo aanay dadkuba daafad u ahayn oo hore looga khatoobayna waa loogu daray. Waa ayaandarrooyinka taagan  ee ay la timid xukuumaddan Isu-boga, Isu-tuma. Illeyn gobolladii baalluhu waa kuwaas e’, ma laga yaabaa in berrina Gebilay iyo Gar-adag ay ka hillaacaan oo ciidammo u diraan.

Xisbigii Kulmiye iyo Xumuumaddii Siilaanyo ee inaga ballan-qaaday in ay u hawl-gelayaan: Xaqiijinta iyo taabbo-gelinta Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka-mid-noqoshada beesha caalamiga ah iyada oo ah dawlad la aqoonsan yahay, ayaa soo ligan oo soo taagan iyada oo Hawadii dalka Soomaaliya lagu wareejiyay.

 

Shirarkii kala dambeeyay ee aynaan mahadin ee sida joogtada ah loogu qabanayay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, waxay ergooyinka inooga qayb-galaa inagu dhego-barjeeyeen maamulkii hawada Soomaaliya ayaa hargeysa loo soo wareejinayaa. Maanta markii si rasmiya Soomaaliya loogu wareejiyayna, cid juuq iyo jaaq leh ma aynu maqal. Sidaas ayay Xukuumadeenna abaal-daran u taqaannaa madax-bannaanida iyo qarannimada.

Qodobka 2aad ee Himilada Xisbiga Kulmiye wuxu u qoran yahay:

  1. Xisbiga Kulmiye wuxu higsanayaa in uu dalkan Somaliland ka dhiso bulsho casri ah oo ka xor ah faqriga, jahliga, cudurka, dulmiga, keli-talisnimada iyo guud ahaan maul-xumida weji kasta oo ay leedahay.

Faallaynta Qodobka:

“Ka-gur Qaafo,” ma maqli jirteen. Alleylehe, waa tan oo kale e’, ka raseeya dee, maxaad sugaysaan. Xisbiga Kulmiye ayaa Barnaamajkiisan ku ballan-qaadaya dhismaha bulsho casri ah. Bal hadda ka warrama! Nimanka aad aragteen ee dal iyo dadba u taliyaa ma dhisi karaan bulsho casri ah. Hadda wax kale ma aha bulshada casriga ahi, waa il-baxnimo.

Waa il-baxnimo dhinac walba ah. Waxaan uga jeedaa reer magaalnimo dhab ah oo isku dheelli-tiran. Nimankan inoogu baaqaya dhismaha bulsho casriya, waxaad mooddaa dhaqankooda in aanay horeba u soo arag dawladnimo. Dhoofka iyo dhar-qaadashada ayaad mooddaa in qaarkood ku cusub tahayba.

Dalkii waxa looga tegayaa sicir-barar iyo qiimihii cuntooyinka aasaasiga ah oo aan la goyn karayn. Bal hadda aynu is-weydiinno waxay Xukuumaddan isku-filan ee Mudane Siilaanyo soo kordhisay. Keli-talisnimadii miyay la dagaallantay mise waa sii kordhisay? Wada-tashigii miyaanu meesha ka bixin?

(La soco Sabtida, haddii Eebbe idmo)

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here