Berbera (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariistee waxaa Badda Magaalada Berbera maanta gelinkii dambe ku Geeriyooday Saddex Wiil oo Dhallinayo ah, kuwaasii oo ay baddu liqday, xili ay ku dabaalanayeen.
Saddex Wiil ee Dhallinyarada ah, ayaa la geeriyooday xili ay ku dabaalanayeen xeebta Batalaale ee Berbera.
Sidoo kale, wararka na soo gaadhaya, ayaa waxaa ay sheegayaan in badda laga badbaadiyay Saddex Wiil oo kale oo Dhallinyaro ah.
Saddexda dhallinyarada ah ee ku geeriyooday badda magaalada Berbera, ayaa waxaa la sheegay in ay ka yimaadeen magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, si ay ugu dabaashaan xeebta Batalaale ee Berbera.
Meydka saddex wiil ee dhallinyarada ah ee badda Berbera ku geeriyooday, ayaa la soo gaadhsiiyay Cusbitaalka Guud ee magaalada Berbera.
Maamulka Gobolka Saaxil iyo Laamaha amniga oo warbaahinta la hadlay, ayaa digniin culus u diray dadka u soo dalxiis tagaya xeebta magaalada Berbera, iyagoo uga digay khatarta badda.