Baarlamaanka Somaliland oo Soo Jeediyay In Dalka Laga Saaro Qunsuliyadda Turkiga

0
1143

Hargeisa (Hargeisa Press.com)- Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa soo jeediyay in qunsuliyadda dawladda Turkigu ku leedahay Hargeysa wadanka laga saaro.

Waxaanay sheegeen xildhibaanadaasi in xafiiska dawladda Turkiga ee Hargeysa ay bahdilaad kula kacaan madaxda qaranka iyo xataa dadka shacabka ah, isla markaana aan loo dul qaadan karin dhibaatadda ay dadka ku hayaan.

Xildhibaanadani oo ka qayb qaadanayay doodii fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland oo ilaa afar xildhibaan ahaa ayaa dhamaantoodba ka midaysnaa anshax xumadda ay qunsuliyadda Turkigu ku hayso dadka reer Somaliland.

Waxaanay mudaneyaashaasi soo jeediyeen in wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland loo yeedho si wax looga waydiiyo dhibaatadda ay bulshadda ku hayso qunsuliyadda Turkigu.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here