Baarlamaanka Somaliland oo billaabay mooshin lagu joojinayo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya

0
3466

Hargeysa (Hargeisa Press)- Labada gole Baarlamaan ee sharci dejinta Somaliland, ayaa waxaa ay billaabeen mooshin ay ku joojinayaan wadahadalladii u dhexeeyay dowladda Somaliland iyo Maamulka Soomaaliya.

Xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland oo ka doodayay qodobka xaaladda taagan ee ajandaha kal-fadhiga 84-aad ee golaha, ayaa ku ekeeyay doodooda inay kaga jawaabaan dagaalka ay Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland.

Waxaanay Xildhibaanada golaha Guurtidu ay soo jeediyeen in gebi ahaan-ba meesha laga saaro wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Xildhibaanada, ayaa waxaa ay sidoo kale ugu baaqeen goleyaasha qaranka in qaraar gole lagu joojiyo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, iyagoona xukuumadda faray inay arrintan ku taageero goleyaasha xeer dajinta.

Sidoo kale, Xildhibaanada, ayaa si adag ugaga hadlay daan-daasiga dagaal ee ay Soomaaliya ku kacayso mudooyinkan, iyaga oo bilaabay inay la dagaalamaan dhaqaalaha iyo shirkadaha xidhiidhka la leh Somaliland.

Waxay soo jeediyeen in shirkad kasta oo qaadata awaamiirtii Soomaaliya in dalka laga mustaafuriyo oo si degg degg ah looga saaro dalka.

Shacabka iyo dowladda ayay ugu baaqeen in diyaar loo noqdo difaaca qaranimada dalka, taasi oo ay sheegeen in ay Soomaaliya bilawday dagaal qaawan.

Shir-guddoon ahaan ayay sheegeen in ay ka tashanayaan xaaladaha soo kordhay ee dagaalka Soomaaliya iyo sidii looga hortagi lahaa.

Xildhibaanada Guurtida Somaliland, ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland si bay yidhaahdeen looga hortago cadaw kasta oo raba inuu hagar daameeyo dalkan iyo dadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here