Baarlamaanka Itoobiya oo La Horgeeyey Sharciyadda Heshiiska Is-faham Ee Somaliland

0
5539

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Wasiirka Gaadiidka ee Dowladda Federaalka Itoobiya, Alemu Sime, ayaa maanta Golaha Baarlamaaka ee dalkaas u faahfaahiyey muhiimadda uu dalkooda u leeyahay heshiiska is-faham ee horaantii Sannadkan dhexmaray dalka Somaliland.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, waxa uu Golaha Wakiillada ee Itoobiya u sheegay in heshiiska isfaham ee dhexmaray Somaliland uu wax weyn ka beddeli doono Xidhiidhka ganacsi ee Itoobiya la leedahay Caalamka.

Dr Alemu Sime oo Golaha horgeeyey mashruuc Sharci oo Xukuumadda Raysal Wasaare Abiy ku meel-marinayso Sharciyadda Heshiiska, waxa uu xusay in heshiiskani bog cusub u furi doono iskaashiga Itoobiya la leedahay waddamada Geeska Afrika.

“Sida aynu la wada-soconno, Dalkeenu wuxuu heshiis is-faham la saxeexday Somaliland. Tani waxay ka dhabaynaysaa rabitaanka Itoobiya ku raadinaysay marin-badeed, inay sii kordhiso helitaanka marinno badeed oo kale,” Sidaas ayuu yidhi Alemu Sime.

Waxa kale oo uu yidhi, “Tani waxay sababi doontaa in isbeddel ku yimaaddo heerka alaabaha aynu la soo degno ama dhoofino iyo isbeddel ku yimaadda iskaashiga Gobolka Geeska Afrika.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here