Burburka Guddi Xasan Sheekh U Magacaabay Is-hortaaga Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0
2289

Muqdisho (Hargeisa Press)- Guddi Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u xushay in ay hor-istaagaan heshiiska is-afgarad ee dhex maray dowladda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa lagu soo waramayaa inuu khilaaf xoog lihi soo kala dhex galay oo burbur qarka u saaran.

Xubin muhiim u ahayd guddidaas oo lagu magacaabo Danjire Ciid Beddel, ayaa ku dhawaaqay in guddidaasi burburtay, waxaanu ku dooday in dhallinyaro ay isku jufo yihiin Xasan Sheekh ay si khaldan ugu shaqaysanayeen guddigaas xiqdiga iyo xasarada loo sameeyay.

Wuxuu kaloo sheegay in lacag magaca guddida lagaga soo qaaday Madaxtooyada Soomaaliya ay lunsadeen xubnahaasi madaxweynaha raaskiisa ahi.

Ciid Beddel, wuxuu sheegay in isaga Bishii September 2023kii Itoobiya ku soo casuuntay shir Itoobiya lagu qabtay oo lagaga hadlay arrimaha badda cas, hase ahaatee markii uu la wadaagay shirka ay ka joojiyeen Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Muqdisho, hase ahaatee shirkaas isagu uu ka baaqsaday uu iska xaadiriyay Cabdiraxmaan Caynte oo ay isku deegaan yihiin Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, xubin guddidaas ka mid ah oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Caynte, ayaa sheegay in Ciid Beddel laga eryay guddidaas, waxase Ciid Beddel sheegay in aanu awood u lahayn Cabdiraxmaan Caynte inuu eryo xubin ay ku wada jiraan guddi la wada magacaabay.

Siyaasi Ciid Beddel wuxuu caddeeyay in Guddidoodu ay curyaantay oo niman Madaxweynaha Soomaaliya isku reer yihiin ay lunsadeen lacago laga soo qaaday Villa Soomaaliya.

Guddidaas, ayaa ku fashilantay iskudaygoodii ay kula dagaalamayeen qarannimada Somaliland oo qaddiyadda aqoonsigeedu fursad dahabi ah helay.

Khilaafka Guddidaas, ayaa ku soo beegmay xilli ay Dowladda Itoobiya ay maanta Baarlamaanka hortiisa ka sheegtay in uu fulayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana uu yahay iskaashi bog cusub u furaya mandaqada Geeska Afrika.

Farsamo ahaan qorshihii isku-dubo-ridka isfahanka Somaliland iyo Itoobiya, ayaa maraya heer gabogabo ah oo rasmi ahaan loo kala saxeexan doono dhawaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here