Baarlamaanka Ingiriiska oo lagaga hadlay Qadiyadda Aqoonsiga Somaliland iyo Khatarta Argaggixisada

0
1276

London (Hargeisa Press)- Xildhibaan Gavin Willimson oo ka tirsan aqalka sharci dejinta Ingiriiska oo ka qayb qaadanayay dood toos ah, ayaa weydiiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda UK David Lammy inay taageerto Jamhuuriyadda Somaliland sidii ay isaga caabbiyi lahayd Argaggixisada AS oo hadda iskaashi la samaysatay Xuutiyiinta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda, ayaa ku raacay Xildhibaan Williamson inaan la dafiri karin khatarta ay leedahay Kooxdaasi, waxaanu u dammaanad-qaaday aragtida uu soo jeediyey Xildhibaanku inay Xukuumadu taageeri doonto.

Maaha markii ugu horreysay ee Xildhibaankani Baarlamaanka uu ka tirsan yahay ee UK uu sidan oo kale su’aal arrimaha Somaliland la xidhiidha uu weydiiyo Masuul Golaha hor yimi. Haseyeeshee, marar kala duwan oo hore ayuu Golihiisa horgeeyey Mooshinno iyo doodo uu Somaliland ku taageerayo, uguna raadinayo taageerada dowladda UK ku garab-istaagi karto aqoonsi raadinta Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here