Hargeysa (Hargeisa Press)- Sida ilo xog-ogaal ahi ay sheegen wefti ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa waxaa ay hawlo shaqo ugu safraayaan dalka Mareykanka dhawaan.
Xogtu ma shaacin magacyada xubnaha golaha wasiirada ee safarka ku tagaya Mareykanka.
Wefdigan, ayaa ku soo beegmaya xili mudooyinkii ugu danbeeyay ay si wayn u soo xoogaysanayeen xidhiidhka ka dhaxeeya Dalalka Somaliland iyo Mareykanka iyadoo Warbaahinta dunidu si wayn uga hadlayso in Mareykanku aqoonsanayo Jamhuuriyada Somaliland ee madax-banaanideeda kala soo noqotay 1991-kii dalkii la isku odhan Jamhuuriyada Soomalida {Somali Republic}.
Madaxwayne Ciro ayaana u muuqda siyaasi ka faa’iidaysanaya aqoonta dheer ee uu uleeyahay dilamaasiyada.