London (Hargeisa Press.com): Xeerka Caruurta oo Baarlamaanka Ingiriiska ansixiyey ayaa si weyn loogu amaanay kaalinta ay ka qaadatay u ololayntii wax-ka-bedelkiisa gabadh asalkeedu ka soo jeedo Jamhuuriyada Somaliland.
Sida lagu baahiyey mareegta Baarlamaanka Ingiriiska shalay, wax-ka-bedelka Xeerka Caruurta Ingiriiska oo hore loo ansixiyey sannadkii 1989-kii, oo u ka hadlay Xildhibaan Zac Goldsmith.
Taasoo uu sheegay Baarlamaanka Ingiriiska inay sharaf u tahay inuu hadal-qoraalka fadhiga ku daro u mahadcelinaya Nimco Cali, oo si weyn ugu ololaysa joojinta gudniinka gabdhaha, inbadan oo xildhibaanada Ingiriisku aqoon u leeyahiin.
“Waa dadka ugu caansan u ololaynta cidhibtirka Gudniinka Hablaha (FGM) ee Ingiriiska, maalmo horteedna waxay madal dhinac fadhiday Raysal-wasaaraha Ingiriiska, xaqiiqdii waxay qadiyadan gaadhsiisay wadnaha xukuumada” ayuu yidhi xildhibaan Goldsmith, oo ka tirsan xisbiga Muxaafidka Ingiriiska.
Waxaanu intaas raaciyay,“Shaqada Nimco & guulaha ay ka gaadhay qadiyadan ayaa dhaafsiisan dalkan. Waxay ku dhiirigelisay saddexdii musharax ee doorashadii madaxtinimada Somaliland 2017 inay ballanqaadaan hirgelinta xeer lagu joojiyo gudniinka hablaha, inbadana waa u xog-ogaal inay ku dhowdahay ku guulaysigiisa” Ayuu yidhi xildhibaanku.
“Madaxweyne Md Muuse Biixi markii la doortay, wuu ka dhabeeyey ballanqaadkiisii, waxaana xukuumadiisu diyaarisay xeerkii xakamaynta gudniinka gabdhaha” sidaasina waxaa yidhi Xildhibaan Simon Hoare, ayaa sidoo kale amaanay awoodeeda qancinta & u doodisteeda.
Isagoo sii hadlayayna waxa uu yidhi,“Waan amaanayaa awoodeeda qancinta & u doodista, lagana yaaba in fursad laga siiyo xil siyaasadeed ee baarlamaanka (Whip office), masuul xisbi oo xildhibaanada ku kantaroola u raacitaanka siysaadaha xisbiga ansixinta xeerarka Baarlamaanka.”
Nimco Cali ayaa la filayaa in 26 bisha ay ka hadasho munaasibad shirweynaha Xuquuqal-insaanka & Dimoqraadiyada oo lagu qaban doono dalka Switzerland, isla markaana lagu gudoonsiiyo abaalmarin caalami ah.
Xusitaanka kaalinta Nimco Cali, oo dhalashada Ingiriiska haysata, balse asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland ka qaadatay u ololeyntii xeerka caruurta oo dalka Ingiriisku ku dhaqmi doono.
Sidoo kale tallaabadaasi ayaa noqonaysa talaabo magaca dalkeeda Somaliland ku gaadhsay dhegaha muwaadiniinta Ingiriiska iyo guud ahaan dadka Soomaalida ee ku nool Ingiriiska.