Xildhibaan C/kariin Oo Farriin U Diray Madaxda Goleyaasha Baarlamaanka

0
789

Hargaysa (Hargeisa Press.com):Xildhibaan  Cabdikariin Sheekh Cumar, oo ka mid ah golaha Guurtidda Somaliland ayaa farriin  u diray madaxda goleyaasha baarlamaanka qaranka.

Gaar ahaana xildhibaanada labada aqal oo uu ku waaniyay in ay ka fogaadaan hadalada qabyaaladaysan ee ummadda kala kaxaynaya.

Xildhibaan C/kariin,   oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa soo dhaweeyay socdaalka madaxweynaha Somaliland uu ku joogo dalka Imaaraadka carabta waxaanu ku tilmaamay socdaal qiimo wayn ugu fadhiya qaranka.

Waxaanu yidhi “Taladda iyo xilka cid ayaynu u igmanay  oo ah madaxweynaha Somaliland  iyo golayaasha qaranka siyaasadda Somaliland wax badan ayaa isbedalay  waana mid heerkiisu aad u sarreeyo laga soo bilaabo    Safarkii madaxweynaha Somaliland   Muuse Biixi Cabdi  uu ku tegay Itoobiya.

Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waxa uu marayaa heerkii ugu sarreeyay waxa kale oo aan soo dhawaynayaa safarka madaxweynaha Somaliland ku joogo dalka Imaaraadka carabta.

Waxyaabo qiimo leh ayaana  innooga soo  bixi doona safarakaas. Markaa isbedel weyn ayaa ka jira xaga siyaasadda arimaha dibedda ee Somaliland horumar waynu ka gaadhnay.”

Waxaa kaloo uu soo jeediyay    xildhibaanku, in xildhibaanada goleyaasha qaranku in aanay ku kicin wax umadda kala xakaynaya.

“Haddii aynu nahay masuuliyiinta  goleyaasha qaranka   waxa la inooga baahan yahay in ay naan sheegin wax umadda kala ka xaynaya.

Waxaanan uga digayaa  xildhibaanada in arrimaha reeraha khuseeya  ay  ku milmaan. Beelaha wada deggan Somaliland waa dad wada walaalo ah,  waana in laga feejignaadaa  arrimaha carqaladda ku keeni kara bulshadda dhexdeeda.

Markaa  wixii lagu hadlayo waa in laga fiirsado waana in bulshada lasyku soo dhaweeyo” ayuu yidhi C/kariin Sheekh Cumar.

 

Hargeisa Press/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here