Hordhac – Anigoo ka mid ah dadka ka soo jeeda Gobolka Sool, waxaan caawa baaq nabadeed u dirayaa dhammaan garaadada, shacabka, iyo siyaasiyiinta gobolka. Ujeeddadaydu waa in aan dhiirrigeliyo wadahadal nabadeed oo horseeda xal waara, loogana gudbo xaaladda cakiran ee gobolka ka jirta.
Qodobka 1aad: Garaadada Gobolka Sool
Abtiyaal, waxaad tijaabiseen in aad gacanta ku dhigtaan magaalada Laascaanood, oo ah dhulkiinii iyo deegaankiinii oo aad muddo dibad wareeg ka ahaydeen. Waad ku guulaysateen, idinkoo isticmaalaya awoodiina, xeeladihiina, iyo fursado siyaasadeed oo ka dhashay khilaafkii u dhexeeyey Beesha Dhexe ee Soomaaliland, baahidii ay u qabtey Puntland in ay iyadu hesho Gobolka iyo Dagaalkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya doonaysay in ay ku burburiso Soomaaliland, iyo sidoo kale rabitaankii dadka ka soo jeeda deegaanka Soomalida Itoobiya ay rabeen inay ku biiraan Soomaaliya oo ay kaga hoos baxaan Maamulka Federaalka Itoobiya.
Dadaalkiinu wuxuu keenay in Laascaanood ay gacantiina gasho, laakiin qorshihiinii maamul goboleed gaar ah uma suurto gelin sidii la rabay. Gobolkii waxa uu noqday mid go’doonsan oo aan yeelan maamul balaadhan oo ay gobollo kale la midoobaan. Waxaa laga hortagay qorshihiinii ku wajahnaa Gobolka Sanaag, taasoo ay ka dhiidhiyeen dadka deegaanka, sidoo kale may suuro galin inaad Puntland ka heshaan Gobolka Bari ee ay Caasimadda u tahay Boosaaso, idiinmana suurtoobin in ay idinku soo biiraan dadka deegaanka is maamulka Soomaalidda Itoobiya.
Xaaladda maanta jirta waxay muujinaysaa in Gobolka Sool uu go’doonsan yahay, loona baahan yahay xal degdeg ah oo lagu badbaadinayo shacabka iyo deegaanka.
Qodobka 2aad: Shacabka Gobolka Sool
Shacabka Laascaanood, Buuhoodle, iyo Bariga Sanaag waa in ay si mug leh u qaataan nabadda oo ay taageeraan dadaallada lagu raadinayo xalka mustaqbalka. Haddii la doonayo horumar iyo maamul rasmi ah, waa in la aqbalaa wadahadal nabadeed oo lala yeesho Somaliland.
Dadka deegaanka waxay u baahan yihiin:
• – In Somaliland ay bixiso magdhowga khasaaraha dagaalka.
• – In dib loo dhiso Laascaanood iyo goobaha burburay.
• – In dib loo soo celiyo miisaaniyaddii dowladda dhexe ee gobolka.
• – In qof waliba helo shaqadii uu ka hayey xafiisyadii dowladda, marka laga reebo ciidamada oo lagu darayo habka qaramaynta ciidanka Somaliland.
Heshiis nabadeed oo rasmi ah ayaa sahli kara in gobolka uu yeesho xuquuq siyaasadeed oo lagu daro wada hadalka heer qaran.
Qodobka 3aad: Musharrax Madaxweyne Ka Soo Jeeda Gobolka Sool
Si ay shacabku u dareemaan inay talo ku leeyihiin Somaliland, waa in la helo madaxweyne ka soo jeeda gobolka. Waxaan soo jeedinayaa in lagu heshiiyaa in doorashada soo socota la doorto musharrax reer Sool ah, gaar ahaan siyaasi aan ku lug lahayn dagaalladii gobolka, balse door weyn ka qaatay nabadaynta iyo horumarka.
Musharrax Saleebaan Yuusuf Koore, oo xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland, wuxuu noqon karaa shaqsi ay bulshadu ku mideysan karto. Waa in beelaha Somaliland si buuxda u taageeraan musharraxnimadiisa, xisbiga uu doono ha noqdo mid ka uu iska sharaxayaaye ama Waddani ha ahaado, Kulmiye ama ha ahaado, ama Kaah.
Gunaanad
Garaadada Sool waa dad islaam ah oo alle u sooman bishan barakaysan. Waxaa habboon in ay cafis iyo nabad qaataan, si ay u helaan dambi dhaaf iyo ajar xagga Alle ah. Dhammaan dadkii dagaalladu saameeyeen waa in la xasuusnaado in ay yihiin khalqigii Alle oo isaga uun leh noloshooda iyo geeridoodaba.
Waxaa muhiim ah in la helo xal waara, loona gudbo horumar iyo wadajir. Marka Shaydaanku xiran yahay waa in lagaga faa’iidaysto oo la qaato go’aan taariikhi ah oo nabadeed.
W/Q Ismaaciil Cali