“Baabuurta Garraaddada Laascaanood soo dhawaynaysay waa kuwa ciidanka qaranka…”

0
1340

Hargaysa (HP): Taliyaha ciidamadda qaranka JSL sareeye guuto Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka hadlay xaaladaha iyo dhaq-dhaqaaqyadda ka taagan gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.
Iyadoona muddooyinkii u danbeeyay ay magaaladda Laascaanood ka socdeen qul-qulatooyin siyaasadeed, mudaharaadyo, iyo shirar ay yeelanayeen madax dhaqameedka beelaha gobolka Sool.
Nuux Ismaaciil Taani, oo ay wehelinayeen saraakiil kale oo ka tirsan ciidamadda qaranka Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadda qaranku ay weli hawlahoodda si buuxda uga wadaan gobolka Sool.
Taliyaha ayaa si gaara u soo qaaday dhaq-dhaqaaqyadda ay madax dhaqameedku ka wadaan Laascaanood, iyadoona Garraadadda qaarkood ay ciidamo fara badan iyo hub culus la soo galeen gudaha magaaladda Laascaanood.

Ciidamadaasi oo marka ay madax dhaqameedka u soo gelbinayaan Laascaanood la arkayo iyagoo wata calanka Soomaaliya, balse taliye Taani, ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwa qaranka Somaliland.
Waxaanu sheegay in nabad geliyadda Laascaanood ay gacanta ugu jirto ciidamadda qaranka, isla markaana in aanay gaadiid dacow ku ahi soo gelin gobolka Sool.

Geesta kale sareeye Gaas Nuux Taani, waxa uu tilmaamay in shir weynaha dhaqan ee ay Laascaanood ku qabsanayaan madax dhaqameed gobolka Sool oo dhawaan dhici doona in cida nabad gelidiisa sugaysaa ay yihiin ciidamadda qaranka JSL.
Taliyaha ayaa sidoo kale ka jawaabay hadaladda ay siyaasiyiintu maalmahan ka sheegayeen, isagoona xusay in ciidamadda qaranku aanay dheg u dhigi doonin hadaladda meelahaa laga leeyahay.
Waxaanu sheegay in ciidamadda qarabku ay sii wadan doonaan shaqadda ay u xil saaran yihiin oo ah nabad geliyadda qaranka, haday xuduudka tahay, iyo ta gudaha ba in ay ilaaliyaan.

DAAWO: Shirka Jaraa’id eeTaliyaha Ciidanka qaranka JSL Nuux Ismaaciil Taani:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here