AXMED XASAN CAWKE: Tiir-dhexaad ka baxay Saxaafadda Soomaalida oo Maanta Si Heer Qaran lagu Aasay Tog-Wajaale + DAAWO SAWIRRO

0
1077

Wajaale,, (HargeisaPress) — Axmed Xasan Cawke oo ahaa Suxufi iyo Oday Saxaafadeed rug-cadaa ah ayaa galabt  aas-qaran loogu sameeyay Magaalada Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley, kadib markii Marxuumku saaka ku geeriyooday xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.

MAR 67

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Axmed Xasan Cawke, Alle Jannatul-Fardowsa ha geeye, inkastoo Qof kastaa maalin uu dhimanayo leeyahay oo aanu dhaafayn, haddana geerida Weriye Axmed Xasan Cawke waxaa maanta xaqiijisay gabadha keliya ee ay walaalo yihiin Axmed Xasan Cawke oo magaceedu yahay Canab Xasan Cawke, waxaanay sheegtay Canab in walaalkeed Axmed Xasan Cawke uu xalay goor danbe kala soo hadlay telefoonka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo uu aad u xanuunsanayo, kaddibna loo soo xaqiijiyay in uu geeriyooday.

mar 56

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Marxuum Axmed Xasan Cawke oo 73 jir ahaa, waxa uu ku dhashay magaalada Tog-Wajaale oo ku taal xadka Somaliland iyo Itoobiya.

marx 4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Axmed Xasan Cawke oo ahaa Rug-caddaa bulshadu ku diirsan jiray codkiisa marka uu idaacadaha wararka iyo barnaamijyada ka soo tebinayo, wuxuu ku biiray Raadyow Muqdisho 1972, isaga oo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

aasaa

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Telefiishankii dalkii Soomaaliya laysku odhan, kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii Soomaaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka Soomaliga ee BBC sanadkii 1996, isaga oo si weyn loogu yaqaanay barnaamijkii madadaalada iyo Salaamaha.Waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaliga ee VOA iyo dhowr telefiishan oo gaar loo leeyahay.

marx 6

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Alle ha u naxariistee Axmed Xasan Cawke ayaa muddooyinkii dambe ka soo shaqeeyay Telefiishinada Soomaalida, sida Telefiishanada Universal TV, Horn Cable TV, Telefishinka Somaliland National TV iyo sidoo kale Telefiishanka Kililka Soomaalida Itoobiya oo uu qayb laxaad leh ka qaatay aasaaskiisii iyo isku dabaridkiisii, isagoo dhinaca kalena wakhtiyadii dambe Soo-Saare ka ahaa barnaamijyo dhawr ah oo laga baahin jiray Telefiishanada Soomaalida ee kala duwan.

aasaa

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Axmed Xasan Cawke wuxuu ifka kaga tagay lix carruur ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay u dhashay Sacdiya Cabdillaahi Salaad oo ahayd suxufiyad ay wada shaqeyn jireen muddo aad u fog.

marxu 2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Marxuun Axmed Xasan Cawke aaskiisa waxaa si weyn looga tegay magaalooyinka Somaliland iyadoo ilaa saaka jidka Wajaale ay qulqulayeen boqolaal gaadiid ah, waxaanay magaalada Wajaale la ciirtay dadka faraha badan ee u tegay aaska, halka dhinaca kale ee magaalo-madaxda dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka yimaadeen dad aad u farabadan iyo wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo la socday meydka marxuumka. Dhinaca Somaliland, waxa aaska ka qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here