Axmed Mire oo Eedaymo Culus U Jeediyey Madaxweyne Biixi iyo Faysal Cali Waraabe

0
2783

Burco (Hargeisa Press) – Mujaahid Axmed Mire Maxamed, ayaa waxaa uu si qoto dheer uga warramay Taariikhda dheer ee la xidhiidha Halgankii SNM, gudo-galkii Burco.

Mujaahidka oo khudbad dheer ka jeediyey Munaasibad Burco loogu qabtay Xuska 3 Guurada ka soo wareegtay Gudo-galkii SNM ee  Burco oo ku beegnayd 27-kii bishan May, ayaa sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu Taariikhda SNM been ka sheegay isla-markaana uu hoos u dhigay Magac Mujaahid ku xigeen u ahaa Axmed Mire.

Axmed Mire waxa kale oo uu ka jawaabay eedaymo uu sheegay inuu hore ugu jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Mire oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan been la sheegin, Halkan Burco wuxuu laba jeer Madaxweynuhu ka sheegay in Axmed Mire iyo Maxamed Kaahin oo xilka u kala hooseeyaa ay Burco soo galeen, ka dibna labadaba Madaxa la dalooliyey (laga toogtay), laakiin Aniga ninka igu xigay ee xilka ila waday waa Aadan Saleebaan Alle ha u naxariistee, markaa nin inaga hooseeya inaynu duudsino maaha, markii iigu horraysay ee aan Xafiiska Jigjiga furayeyna isagaa ku xigaynkayga ahaa oo aan kaga tagay, markaa waxaan qabaa inaanu (Madaxweynuhu) Sharaf u siyaadin (maxamed Kaahin) ee uu sharaftiisii hoos u yara dhigay.”

Mujaahid Axmed Mire Maxamed wuxuu ka jawaabay eedaymo uu sheegay in u jeediyey Guddoomiyaha UCID  “Guddoomiyaha UCID Tasbiix buu ka dhigtay inuu ina Mire wax ka sheego, waan ka aamusaa wuu ku celiyaa, waan ka aamusaa oo waan is dhaafiyaa haddana wuu ku celiyaa, waxaanu igu Tilmaamayaa Ina Mire waa dagaal ooge, waar dalka ma dagaal baynu ku xoraynay, mise baryo ayaynu ku xoraynay, kii Maalintaa Googoradda sitay ee aanu xoraynay ma xaq buu u leeyahay kii xoreeyay inuu dagaal ooge ku sheego, intaas oo jeer oo uu ila hadlay uma jawaabin, Caawa waxa Jawaabta i soo geliyey waxa la waayay Cid tidhaahda waar ninkan ka hadh, markaa Anigu markaan dagaalka oogayey ee aan dalkayga xoraynayey kii Dadka xidh-xidhayey ee soo basaasayey ee Xabsiyada ku dhameeyay ee aqoonyahankeenii ugu dambeeyay Hargeysa ku xidhay inuu hoggaankii Ciidanka ummadda xorreeyay inuu yidhaahdo waxaad tahay dagaal ooge, waar aan is qadarino..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here