Boorama (HP): Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta ee Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray Waddo laga hirgeliyay buurta Siimoodi ee gobolka Awdal taasoo dhererkeedu dhan yahay 15KM.
Waxaana Wadadaasi hirgelisay shirkadda shirkadda Siimoodi, oo muddo sanado ah hawlo macdan qodis ka waday buurtaasi.
Buurta Siimoodi ayaa laga qodaa Macdan iyo Dahab, balse waxay dhibaato weyni ka haysatay dadka buurtaasi hawlaha macdan qodista u tagga waddo la’aan daran oo ka jirtay.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.