Maxkamadda Degmada Ceerigaabo oo Xukunno Kala Duwan Ku Riday 10 Eedaysane

0
1240
Xukun Ku Ridday Haweenay Cayday Alle

Ceerigaabo (Hargeisa Press) – Maxkamadda degmada Ceerigaabo, ayaa waxaa ay xukunno kala duwan ku riday 10 eedaysane iyo saddex gaadhi, oo sifo sharci darro ah uga ganacsanayay dhuxusha dalka.

Waxaana eedaysanayaasha iyo gaadiidkaba lagu soo qabtay hawlgallo ay fuliyeen ciidamada Booliska iyo Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ee gobolka Sanaag.

Xukunnadaasi kala duwan ee ay ridday maxkamadda degmada Ceerigaabo, ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Ceerigaabo Maxamed Axmed Olol, waxana uu sheegay in eedaysanayaashu ay ku gefeen qodobka 28aad iyo 15aad ee xeer nambar 69 ee 2015, isagoo xusay in eedaysanayaashu ay si wada jir ah ay u galeen dambigan oo ah inay xaalufin iyo goynta dhirta qoyan ka wadeen dalka, taasna uu dambi ka dhigayo dastuurka iyo xeerarka kale ee deegaanka u dejisan.

Geesta kale, taliyaha dambi baadhista gobolka iyo isuduwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in maxkamadda ay ku wareejiyeen kiiska saddex gaadhi oo dhuxulaysato ah iyo 9 eedaysane, kuwaasoo loo haystay inay jabiyeen shuruucda ilaalin deegaanka ee Somaliland.

Waxa halkaasi ugu dambayn ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, oo u mahadceliyay mas’uuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo saraakiisha ciidanka booliska ee ka hawlgalay sidii sharciga loo horkeeni lahaa dadkaasi xaalufinta ka waday deegaanka Somaliland, isagoo sidoo kale u mahadceliyay xeer ilaalinta qaranka iyo maxkamadda oo uu sheegay inay waajibkoodii ay ka guteen.

Waxaana uu ugu baaqay bulshada degan gobolka Sanaag inay ka waantoobaan wixii deegaanka dhibaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here