Askarigii Lawyacado Ku Dilay Askariga Kale oo Dil Lagu Xukumay

0
1533

Hargeysa (Hargeisa Press) –Maxkamadda ciidamada qaranka Somaliland ee darajada koowaad, ayaa maanta la horkeenay Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo toddobaadkii hore magaalada Lawyacado ee gobolka Selel ku dilay Saddex Xadhigle Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb).

Maxkamadda, ayaa waxaa ka soo muuqday Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo isna ka tirsan ciidamadda Ilaalada Xeebaha ee Somaliland, isla-markaana loo haystay dilka taliyihiisii.

Maxkamadda, ayaa ugu horayn ka garnaqday dacwada kiiska dilka ee uu Dable Axmed Cabdi u gaystay Saddex Xadhigle Khadar Caynaanshe.

Maxkamadda, ayaana ugu dambayntii dil toogasho ah ku xukuntay Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi.

Geesta kale, Badhasaabka gobolka Awdal iyo Maayirka degmada Boorama, ayaa ka hadlay go’aanka Maxkamadda, iyagoona si weyn u soo dhaweeyay.

Askariga dilka gaystay iyo Askariga la dilay, ayaa waxaa ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Dilka askariga, ayaa waxaa ka dhashay cadho weyn iyadoo dibadbaxyo lagaga soo horjeedo uu ka dhacay magaalada Boorama oo uu ka soo jeeday Askariga la dilay.

Ma’aha markii ugu horreysay ee dil toigasho ah lagu xukumo askari ka tirsan Ciidamada Somaliland, iyadoona hore sidan oo kale dil toogasho lagu xukumay askar kala duwan oo dilal gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here