Askar ka tirsan Booliska Somaliland oo deeq-waxbarasho ugu baxaya dalka dibadiisa

0
1542

Hargeysa (Hargeisa Press)- Komishanka tacliinta sare ee qaranka Somaliland, ayaa maanta waxaa ay imtixaan ka qaadeen 100 Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland.

Munaasibada imtixaanka lagaga qaadayay Askarta, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Komishanka tacliinta sare, Hoggaanka tabobarada ciidanka Booliska iyo masuuliyiinta komishanka tacliinta sare.

Askartan maanta komishanku imtixaanka ka qaaday, ayaa waxaa ay deeq waxbarasho ugu baxaya dalka dibadiisa.

Ugu horayn, waxaa madasha hadalo ka jeediyay Madaxda Komishanka tacliinta sare iyo Hoggaanka tabobarada ciidanka Booliska.

Waxaanay si qoto dheer uga warbixiyeen imtixaanka laga qaaday askarta, ujeedada laga leeyahay iyo deeqda waxbarasho ee ay dalka dibadiisa ugu baxayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here