Askar Dil iyo Dhaawac Loogu Gaystay Magaalada Boosaaso

0
744

Boosaaso (Hargeisa Press)- Hal askari ayaa dhintay mid kalena waxaa soo gaadhay dhaawac kadib markii kooxo hubeysani ay rasaas ku fureen duhurnimadii maanta bartamaha magaaladda Boosaaso.

Kooxdii dilka geystay ayaa baxsaday, sida ay dad goobjoogayaal ahi sheegeen, mana jirto wax war ah oo laamaha ammniga ee maamul goboleedka Puntland ay ka soo saareen dilka iyo dhaawaca.

Askarta dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa ka tirsanaa ciidanka Boolis ah oo la shaqeynayey Waaxda canshuuraha berriga ee wasaaradda maaliyada Puntland.

Askariga dhaawacmay ayaa lagu daaweynayaa Cusbitaalka magaaladda Boosaaso, mana aha markii ugu horeysay ee dil caynkan oo kale ah loo geysto ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

 

Hargeisa Press Desk/Boosaaso Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here