Hargeysa, (HargeisaPress) —Maayarka Gobolka Gabiley Amiin Cumar Cabdi islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusey qaar kamid aqoonyahanka kasoo jeeda Gobolka Gabiley oo uu hurmuud u ahaa Dr Cismaan Sheekh oo ka hawlagala World Baanka islamarkaana, qeyb ka ah waxyaabaha lagu hurumariyo Bulshada Gobolka Gabiley oo uu kaga soo qeyb qaato Talooyin iyo arimo kale.
Hadhimo sharafeedkan oo Maayarka Gobolka Gabiley Amiin Cumar Cabdi kusoo dhaweeyay Aqoonayahanka Gobolka Gabiley oo aheyd mid si heer sare ah loo soo Agaasimay islamarkaana, ay goob joog ka ahaayeen Madaxdhaqameedka Gobolka Gabiley Salaadiin iyo Cuqaalba, iyo Xildhibaano katirsan Xubanaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,Maamulka Gobolka Gabiley Maamulka Degmada Gabiley iyo D/hoose iyo Marti sharaf kale waxa lagu qabtey Guriga u khaaska ah Madaxweynaha iyo Martida Maamuuska leh ee Gobolka Gabiley.
Mudadii lagu guda jirey Qado sharafta Maayarku kusoo dhaweeyay Aqoonayahankan oo hadalo laga jeediyay halkaasi waxaa ka hadley Dr Cusmaan Sheekh Axmed oo Hurmood u ahaa Xubnaha Aqoonyahanka ahaa.
“Reer Gabiley markaad Qurbaha eeto iyo Markaad dalka gudihiisa eegtaba aqoonyahanka iyo kuwa Jaamacadaha dhameystey aad bay u badan yihiin waxaa loo baahan yahey in gacmaha la is qabsado oo Arimaha Bulshada iyo danta Gobolka laga wada shaqeeyo loona midoobo arimaha khusuusiga caam ahaan”Ayuu yidhi Dr Cusmaan.
Waxa kale oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi oo sheegay in uu dhaliil badan u hayo mudo lix bilood ah oo uu Gobolka Maamulkiisa hayey Ganacsatada Gobolka iyo Aqoonyahankiisa.
Maayarka Gobolka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo isagu hadhimo sharafeedkan iyo Maamuuskiisa lahaa ayaa hadal uu ka jeediyay halkaasi wqaxa kamid ahaa.
“Maanta oo Jimce ah oo aynu ku suganahay Gurigii Martida Gobolka Gabiley waxeynu Qado sharaftan ku maamuusney Xubnahaa Aqoonayahanka ah oo ay xubno firfircooni inagala joogaan oo uu hogaaminayay Dr Cismaan Sheekh Axmed Nuur,iyo aqoonayahanka kale ee wehelinaya oo ay kamid yihiin Pro. Ceelaabe,Warsame Dr Cabdi Wali iyo Maamulkii Jaamacadu waxaanu ugu talo galney in aanu ku dhiiri galino Aqoonayahnaka Gobolka si bal aqoonyahanka kale ee Gabiley kasoo jeeda oo fara badani u ogaadaan baahida loo qabo in isku xidhnaanta Aqoonayahanka Maamulka iyo Bulshadu tahey mid muhiim u ah Gobolka Gabiley iyo Degmooyinkiis”.
“Sidaa waxa yidhi Maayarka Gobolka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo ka hadlayey muhiimada isku xidhnaanshaha Maamulka Gobolka iyo Aqoonayahnaku u leeyahay Bulshada iyo Gbolkaba sidaa daraadeedna ay ka faa,ideysanayaan kuwa kale ee aan wakhti xaadirkan Xidhiidh la laheyn.
Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa mudadii uu Xilka Maamulka Hayey Golaha Deegaanka Degmada Gabiley waxa uu xubin firfircoon galiyey isku xidhnaanta Guud ahaanba Aqoonayahanka Gobolka iyo Bulshada Gabiley isagoo dedaal dheer u galey in ay aqoonayahnaka Gbolka Gabiley ku kala daadsan dunida dacaladeedu xidhiidh la sameeyaan Gobolkooda.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP