Aqoon Yahan Khadar Cali Xasan Oo Shaaciyay In Uu U Tartamayo Doorashooyinka Golaha Wakiiladda Ee 2017-ka

0
1018

Hargeysa, (HargeisaPress) —Munaasibad lagu shaacinayay musharaxa doorashooyinka golaha Wakiiladda uga qayb geli doona  woqooyiga gobolka Sanaag  aqoon yahan Khadar Cali Xasan, ayaa xalay lagu qabtay hudheelka Hadhwanaag ee magaaladda Hargaysa.

 

Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay  wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaan dhiga,  agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud, siyaasiyiin, madax-dhaqameed isugu jiray Salaadiin, cuqaal, aqoon yahano, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

d52e1abb-9c74-4aca-83ff-9695faec4fd7

Munaasibadaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa  ugu horayn halkaasi laga akhriyay  taariikhda waxbarasho iyo shaqo ee musharax  Khadar Cali Xasan, oo shahaadadda Master-ta ku qaatay  culuumta sharciga.

 

Waxaana xafladaasi hadalo kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiintii kala duwanaa ee munaasibadaasi joogay kuwaasi oo si balaadhan u soo dhaweeyay  musharaxan doorashooyinka golaha Wakiiladda sanadka 2017-ka uga tartami doona gobolka Sanaag, isla markaana ay tilmaameen in uu yahay musharax u qalma si weyna ay  u soo dhawaynayaan.

 

Musharax Khadar Cali Xasan, oo  munaasibadaasi uu ku shaacinayay musharaxnimadiisa hadal ka jeediyay ayaa ugu horayn  si weyn ugu mahad naqay dhamaanba dadweynihii kala duwanee munaasibadaasi ka soo qayb galay, waxaanu   sheegay  in haddii uu ku guulaysto doorashadda in uu wax badan ka qaban doono adeegyadda bulshadda ee gobolka , gaar ahaana arrimaha horumarinta.

khad

Waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in si bulshadu horumarto in lala dagaalamo laaluushka, isla markaana haddii ay bulshadu akhlaaq ahaan ama dhaqan ahaan ay u horumarto in ay dhaqaale ahaana u horumari karto.

 

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Marka laga hadlayo horumarka waxaa loo baahan yahay  saddex qaybood oo kala ah, horumarka dhaqaalaha, horumarka  dhaqanka iyo horumarka siyaasadda, sida ay u kala horeeyaan ayaanay isugu xidhan yihiin. Horumarka xagga dhaqanka  ayaana ugu horeeya, oo haddii aanay ummadu ka horumarin oo waxyaabaha xun in ay xaaraan yihiin aanay ogaanin, oo laaluushku in uu xaaraan yahay aanu baran, beentu in ay xaaraan tahay, haddii aanay bulshadu dhaqan ahaan baranin, oo aanay akhlaaq ahaan  taasi  ogaanin horumar ma jirayo.

 

Haddii ay ummaddu akhlaaq ahaan u horumarto taasi macnaheedu waxa weeyi in ay dhaqaale ahaanna u horumari karto,  oo qofku uu diido in uu laaluush qaato. Markaa waxaa la heli karayaa horumar dhaqaale, marka horumar dhaqaale la helana horumar siyaasadeed ayaa la helayaa. Horumar siyaasadeed oo ah in qofka codaynayaa uu ku codeeyo maxaa ku dan ah? Macnaheedu ma aha in uu ku codeeyo aragti dhaw”.

 

Musharax Khadar Cali Xasan, waxa kale oo uu ka waramay talaabooyinka u qorshaysan in uu bulshadiisa u qabto haddii uu doorasahdda 2017-ka ku guulaysto, isagoo tilmaamay in uu ku dedaali doono sidii uu shaqooyin ugu abuuri lahaa dhalinyaradda ka soo jeedda gobolka Sanaag oo uu sheegay in shaqo la’aan badani ay haysato.

b4c7db97-b69a-4394-9346-e270531ea87f

“Hankayga waxaa soo shaac saaray markii ay dhalinyarro badani igu dhiiri geliyeen, ayaa sababay in aan siu-soo taago shuraxnimadani. Waxaana jirta in dadkeenu ay ka quusteen qofkii lahaa ii code, sababta ay uga quusteena waxay tahay iyadoo aanu dib u arki doonin qofka uu u codeeyay, dibna ugu noqon doono degaankii laga soo doortay. Dhamaanba waxyaabahaasi waxay sii xoojiyeen d=shaqo la’aantii iyo dhaqaale la’aantii qofka haysay, iyo baahidii uu qabay. Waayo waxaa jira boqolaal beenood oo hore. Markaa dadku ma qaldana, balse waxaa qaldan dadkii ay doorteen”ayuu yidhi musharax Khadar

 

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Anigu waxaan doonayaa hamigaygu in uu noqdo  midka koowaad ee soo nooleeya rejadda koowaad ee dadka,  marka aan ka dhabeeyo dhamaanba waxyaabaha uu balan qaado. Waxaa halkan fadhiya boqolaal dhalinyaro ah oo ka soo jeedda gobolka Sanaag, dhamaantoodna waa wada bilaa shaqo oo mid shaqo  hayaa ma jiro, waxaanay ahayd in xildhibaankii ay soo doorteen uu shaqo geeyo, waayo xildhibaanku saamayn ayuu leeyahay,  oo dad badan ayuu shaqaalaysiin karaa.

 

Marka uu qofku garan waayo waxa ay xuquuqdiisu tahay ee uu xuquuqdiisa lumiyo, waxa kale oo uu lumiyaa xuquuqda dadka kale, haddii uu garto waxa ay xuquuqdiisu tahayna, wa badan ayuu qaban karaa. Aniguna noqon mayo kii  ku xad-gudba xaqa ay naftaydu leedahay iyo xuquuda dadka kale, waxaanan ku dedaali doonaa in aan xuquuqdoodda u raadiyo bulshaddayda gaar ahaana dhalinyaradda”.

 

Sidoo kale waxaa xafladaasi hadalo ka jeediyay marti sharaftii kala duwanaa oo ku amaanay musharax Khadar Cali  Xasan, in uu yahay nin dhalinyarro ah oo ay si buuxda u taageersan yihiin, isla markaana ka dhabayn doona dhamaanba waxyaabaha looga baahan yahay in loo qabto bulshadda gobolka Sanaag.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here