Al-Shabaab oo Xayiraado Ku Soo Rogay Shirkadda Hormuud

0
859
Shirkadda Hormuud

Muqdisho (Hargeisa Press)- Ururka Al-Shabaab, ayaa xayiraado ku soo rogay shirkadda isgaadhsiinta Hormuud xarumo ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Xayiraadahan, ayaa la sheegay inay saameeyeen xarumaha shirkadda ee degaanno ku yaalla Jubaland, Koonfur Galbeed iyo meelo ka mid ah Galmudug.

Ilaha xog-ogaalka ah oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababo amni darteed, ayaa sheegay in xayiraadda Al-Shabaab ay la xidhiidho macaamilka ay shirkaddu u qabato laamaha dowladda Soomaaliya oo ay Al-Shabaab ka soo horjeesteen.

Shirkadda Hormuud, ayaa sidoo kale la sheegay inay ka mid tahay shirkado ganacsi oo diiday bixinta ay Al-Shabaab ku mgacaabeen “taakulo,” sida il-wareed xog-ogaal ahi sheegeen.

Al-Shabaab, ayaa waxaa ay hore xayiraado ugu soo rogeen dhaq-dhaaqaaqa shaqaalaha iyo gaadiidka shidaalka ee shirkadda.

Dowladda Soomaaliya, shirkadda Hormuud iyo ururka Al-Shabaab midkoodna weli rasmi ah ugama hadlin xayiraaddan, oo la sheegay inay soo taagnayd muddo ku dhow 4 bilood.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay ku jirto qaban-qaabada guluf milateri oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here