Jowhar (Hargeisa Press) – Ururka Al-shabaab, ayaa saaka weerar culus qaaday Saldhiga ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf oo ilaa 65km dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Jowhar, kaa soo geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Al-shabaab oo ayaa barahooda Internetka ay ku leeyihiin waxay ku soo bandhigeen khasaaro ay sheegeen inuu hordhaca u yahay weerarkii cuslaa ee saakay ay ciidamadoodu ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe, iyagoona sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen 59 askari oo ka tirsan ciidamada Burndi ee ka mid ka ah howgalka ATMIS.
“Aroornimadii hore ee saaka oo talaado ah, Labada Shawwaal 1443 oo waafaqsan 03 May, 2022, Mujaahidiinta ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhigga ciidamada ATMIS ee deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Sh/dhexe, Dagaal xoogan kadib, ciidamada Mujaahidiinta ayaa cagta mariyey saldhigga, xilligan hada ah si buuxda ayaan gacanta ugu haynaa saldhiggaas. xogaha hordhaca ah ee weerarka ayaa tilmaamaya in 59 saliibi lagu dilay weerarkaas, tobanaan kalena lagu dhaawacay” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Al-shabaab.
Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaan weli ka hadlin weerarkan. Sidoo kale taliska ciidanka Soomaaliya ayaan ka hadlin weerarkan, hase yeeshee warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa tebisay inay ciidamada Midowga Afrika dib iskaga waabiyeen weerar Al-Shabaab.
Ceel Baraf, ayaa ka mid ah dhowr deegaan oo ciidamada ka socda Burundi ee ka tirsan AMISOM ay u leeyihiin saldhigyo.
Weerarkan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee laxaadkaas leh oo Al-Shabaab ay ku qaadaan saldhigga ay leeyihiin ciidamada ATMIS tan iyo markii laga beddalay magacii ay hore ugu howlgali jireen ee AMISOM, dhammaadkii bishii March.