Agaasimaha Qorsheynta oo dhaam-biyood ka dhagax-dhiggay deegaanka Balli-xagaa ee gobolka Togdheer

0
595

Burco (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaa deegaanka Balli-xagaa oo ka tirsan gobolka Togdheer ka dhagax-dhiggay Dhaam-biyood weyn oo wasaaradda Qorsheyntu ka hirgelinayso deegaankaasi.

Dhaambiyoodkan, ayaa waxaa baahi weyn u qabay Dadka deegaanka Balli-xagaa, iyagoona si farxadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyay billowga dhaamkan.

Bilowga dhaamkan, ayaa waxaa hadalo ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyeyaasha deegaanka, iyo madax-dhaqameedka iyo dadka deegaanka.

Waxanay masuuliyiinta deegaanka iyo shacabkuba soo dhaweeyeen bilowga dhaambiyoodka, iyagoona si weyn ugu mahadnaqay xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Agaasimaha wasaaradda Qorsheynta qaranka.

Sidoo kale, madax-dhaqameedka iyo dadka deegaanka Balli-xagaa, ayaa waxa ay balanqaadeen in marka la gaadho xiliga doorashada ay codkooda siinayaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga Kulmiye.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale oo madasha hadal ka jeediyay, ayaa faahfaahin ka bixiyay Dhaam-biyoodkan ay ka wasaarad ahaan ka bilaabeen deegaanka Balli-xagaa oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Waxaanu sheegay agaasimuhu in ay deegaanka Balli-xaagaa ay soo gaadhi doonaan mashaariic horumarineed oo kale oo deegaanka loogu talo galay.

Ugu dambayn, dadka deegaanka Balli-xagaa, ayaa waxaa ay shahaado sharaf ku maamuuseen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here