Agaasimaha Madaxtooyada oo Madaxweynaha ku boggaadiyay hirgelinta hoyga taariikhda qaranka

0
875

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku boggaadiyay hoyga taariikhda Somaliland ee uu galabta xadhiga ka jiray.

Agaasimaha madaxtooyada, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada.

Waxaa uu sheegay in hoygan loogu talogalay in bulshada Somaliland iyo dalxiisayaashu ay booqdaan oo ay ka bartaan taariikhda Somaliland.

Qoraalka agaasimaha guud, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxwayne Muusue Biixi ayaa galabta xadhiga ka jaray Hoygani. Waa hoy la dhigayo taariikhda iyo agabka dalkeenu leeyahay, waxaana loogu talogalay in bulshada Somaliland iyo dalxiisayaashu ay booqdaan oo ay ka bartaan taariikhda Somaliland.

Hoyga Taariikhda Somaliland waa goob dan guud ah oo bulshada ka dhexeysa oo la dhigayo laguna xafidayo taariikhda iyo agabka umaddeenu leedahay. waa xarun abtirsiineed oo jiilka maanta jooga ku xidhaysa kuwii ka horeeyay. Waa goob waxbarasho iyo aqoon korodhsi oo lagu barto, cilmi baadhisna lagu sameeyo.

Hoygani waxa uu ka koobanyahay qaybo kala duwan, sida qayb lagu soo bandhigo agabkii hiddaha iyo dhaqanka ay u lahaayeen dadka reer Somaliland. Waxa kale oo ka mid ah qayb lagu soo bandhigayo aasaarta kumanaanka sanadood ka hor ay adeegsan jireen dadkii xilligaasi noolaa iyo qaab-nololeedkoodii.  Waxa iyana jiri doona qaybo lagu soo bandhigayo taariikhdii Somaliland ee hore iyo tii danbeba oo maqal, muuqaal Iyo qoraalba ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here