Agaasimaha Wasaaradda Maalgashiga oo Qaabilay Wefti Ka Socday EU

0
878

Hargeysa (HP): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Somaliland Maxmed Cismaan Siciid, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay ururka midawga Yurub.

Waxaana weftigaasi hogaaminayay Eragyga gaarka ah ee EU u qaabilsan Somaliland Mr. Mikeal Torstensson iyo Mr. Magnus Berntsson oo ah Guddida arrimaha dibeda ee Midawga Yurub iyo Mr. John E. Wainerhall oo ah xubin ka tirsan baarlamanka dalka Sweden.

Weftigan ayaa dalka u yimid indho-indhayn ay ku samaynayeen meelaha la maalgashan karo si ay ugu soo bandhigaan maalgashatada Yurub ee danaynaya Somaliland.

Sidoo kale agaasimaha Guud ayaa warbixino ka siiyay waftigan maalgashiga dalka iyo fursadaha yaala.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Somaliland Maxamed Cismaan Siciid, ayaa isla maanta qaabilay wefti ka socday shirkaddaha Mar-Sea Food iyo Al BAIDA oo laga leeyahay dalka Sucuudiga.

Kuwaasoo dalka u yimid in ay warbixino ka helaan fursadaha maalgashi iyo shuruucda fududaynaysa maalgashiga shisheeye.

Agaasimaha Guud ayaa weftigan siiyay xogo ku saabsan maalgashiga, sidoo kale waxa uu xusay in ay diyaar yihiin dhamaan shuruucda iyo qaawaaniinta fududaynaya maalgashiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here