Jamciyadda AFUR KALAAL Oo Maanta Caawimooyin Ka Qaybisay Burco iyo Hargaysa

0
535

Hargaysa (HP): Jamciyadda khayriga ah ee AFUR KALAAL ayaa maanta caawimooyin gaadhsiisay dadka bukaanka ah ee ku jira cusbitaalka guud ee Hargaysa gaar ahaana qaybta Dhimirka.

Sidoo kale jamaciyadda AFUR KALAAL waxay isla maanta caawimo raashin ah gaadhsiisay qoysas dan yar ah oo ku nool magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Caawimadda ay AFUR KALAAL gaadhsiiyeen bulaanka ku jira cusbitaalka Dhimirka Hargaysa oo ahayd raashin ayaa isugu jirtay Cunno, Caanno iyo Timir.
Taasoo dhamayd 50 Kartoon Timir ah
Iyo 50 Daasood oo Caano ah.


Sidoo kale masuuliyiinta jamciyadda AFUR KALAAL ayaa dadka cusbitaalka Dhimirka ku jira ee xanuunka Maskaxda qaba waxay u sameeyeen samofal ah in ay rayiislaha geeyeen oo ay Timaha ka soo xiireen dhamaanba dadka Ragga ah, si ay farxadda maalinta Ciida ah bulshadda kale ula farxaan.
Qayb ka mida deeqdan waxaa lagu soo hagaajiyay Maxamuud Axmed Wayrax, oo leh ururka Daryeel Charity Organisation.
Masuuliyiinta AFUR KALAAL ayaana uga mahad celiyay maamulaha Daryeel Charity Orhanization, iyagoona xusay in amaanadii halkii ku haboonayd ay gaadhsiiyeen Illaahay na SWT ha ka abaalmariyo intii lasoo baxday ee khayrkaa ka shaqaysay.

Waxaana halkaa ka hadlay C/raxmaan Faarax Yuusuf, oo ka mid ah Guddida maamulka AFUR KALKAAL waxaanu faahfaahin ka bixiyay ururadda ay caawimadani ka soo gaadhay.


Waxaanu yidhi, “Deeqdan waxaa soo kala diray Muxsiniinta Ururka mutadawaca ee Daryeel Xharity Organisation iyo muxsiniinta AFUR KALKAAL ku xidhan Illaahay SWT ha ka abaal mariyo”.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Axmed-yaasin Sheekh Cumar, oo ka mida xubnaha AFUR KALAAL waxaanu tilmaamay doorka ay jimciyad ahaan ku leeyihiin in ay caawiyaan dadkeena baahan iyo kuwa xanuunsanaya.


Waxaanu u mahad celiyay ururadda iyo shakhsiyaadka soo bixiyay caawimadani.
“Waxaa la inooga baahan yahay in aynu caawino dadkeena sidan u dhibaataysan.
ILLAAHAY na SWT wuu inagu eegayaa sida aynu isugu damqano” ayuu yidhi Axmed-yaasiin Sheekh Cumar.


Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Qayb ka mida deeqdan waxaa nagu soo hagaajiyay walaalkeen Maxamed Axmed Wayrax, oo leh Daryeel Charity Organisation.
Amaanadii halkii ku haboonayd ayaanu gaadhsiinay ILLAAHAY na ha kaa abaal mariyo intii la soo baxday ee khayrkaa ka shaqaysay”.

DAAWO:WARKAASI:

Dhinaca kale, jimciyada Khayriga ah ee Afur-kalkaal ayaa isla maanta raashin caawimo ah gaadhsiisay 50 qoys raashinkood oo hal bil ku filan, magaaladda Burco.


Xubnihii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cali Jaamac Shirre, waxaanu ku dheeraaday qaabka loo aasaasay ururkan khayriga ah ee AFUR KALKAAL iyo hawlaha tabarucaadka ah ee uu ka shaqeeyo.

Waxa kaloo isna halkaa ka hadlay Sekeriye Lamuumba, oo ka tirsan masuuliyiinta jamciyadda AFUR KALAAL.
Waxaanu sheegay muhiimadda ay leedahay in la isku naxariisto.

“ILLAAHAY SWT ha barakeeyo cid kasta oo ka qayb qaadatay Tabarucaadka barnaamijka Afur-kalkaal, iyo Daryeel Charity organisation” ayuu yidhi Lamuumba.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here