Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) waxa ka jira siyaasad beelaysan oo hogaanka xisbiga iyo madaxtinimadda loogu tartamayo, afar qaybood oo kala aragti fog baa isku haysta, waa koox uu hogaaminayo Axmed Shide, kooxda labaad waa kuwo ku shirayey Diridhaba oo tan iyo sidii Abiy Axmed loo doortay Addis fadhiya, kooxda 3aad waa ONLF oo iyaguna hogaanka quuddaraynaysa iyo kooxda afraad oo ah kooxdii xisbiga deegaanka hore uu sii haysatay ee Cabdi Iley ka tagay oo iyaguna aaminsan inay xaq u leeyihiin.
Afartaaasi kooxoodba waxay ku hirdamayaan taladda deegaanka iyo inay madax ka noqdaan, koox waliba waxay doonaysa inay xisbi furato, dhamaantoodna waxay ku abtirsanayaan beello.
Kooxda Axmed Shide hogaaminayo waxay aaminsan yihiin inay iyagu xaq u leeyihiin oo in badan usoo samreen, islamarkaana deegaankaasi nabad ku soo celin kara, maadaama oo aanay iyagu marna mucaarad ku noqon Itoobiya,isla markaana ay iyagu taageersan yihiin Oromadda xilka Itoobiya haysa oo ay ood-wadaag yihiin.
Kooxda 2aad ee Diridhaba ku shiraysa waa koox dulmi badan ka tirsanaysa Cabdi Iley oo la magac baxday Dulmi-diid, isla markaana aaminsan inay ka aargudan karaan Cabdi iley iyo kooxdiisii, sidaas awgeed ay iyagu xaq u leeyihiin maadaama oo Itoobiya darteed ku ehel iyo qaraabo waayeen oo ay Abdi Iley u haystaan wixii dambi ka dhacay deegaanka.
Kooxda 3aad, ONLF iyaguna waxay ku doodayaan inay yihiin qolada kaliya ee xaq u leh maadaama oo sodan sanno ay duurka ku jireen oo ay doonayeen inuu sidii deegaankaasi u xoroobi lahaa, isla markaana ay wada hadal ula fureen sidii deegaankaasi uga talin lahaayeen, hadii toodda loo yeeli waayana ay dagaalka sii socon doono deegaankuna nabad ku la’dayn.
Kooxda 4aad, kooxdii Cabdi Iley waxay aaminsan yihin hadii ay meesha baneeyaan oo qolooyinka kale ee ka soo horjeeda xilka qabtaan in laga aarsan doono oo wixii hanti iyo aduun ay samaysteen laga daba iman doonno, in badana jeelka loo diri doonno. Sidaas darteed, jaaniska u banaani ay tahay inay mar kale hogaanka qabsadaan, maadaama oo intii ay xilka hayeen horumar badan ka sameeyeen,isla markaana kooxahan ka soo horjeeda ku neceb yihiin dadkii ay ku qasbayeen Itoobiyaanimadda, sidaasna ay xaq ugu leeyihiin inay hogaanka sidii u sii haystaan oo Itoobiyaanka kalana ugu hiilyaan maadaama oo ay iyagu yihiin kooxda kaliya ee daacadda u ah Itoobiya.
Afartaasi kooxood mid walba inuu kursiga ugu sareeya xaq u leeyahay ayuu aaminsan yahay, koox waliba iyadaa is macaashiisay, sidaas awgeed way adag tahay inay kala tanaasulaan, waxaana kaliya kursigaasi fuuli kara kooxda ay dawlada Fadaraalka ahi taageerto.
By:Barkhad-ladiif M. Cumar