Hargeisa (HP): Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in beesha caalamku inagu ammaantay doorashadii dalka ka qabsoontay 31-kii May, sidii nabadgelyad lahayd ee ay ku dhammaatay.
Waddamo beesha caalamka ah ayaa Somaliland ku bogaadiyey doorashadii isku-sidkanayd ee 31-kii bishii May ee sanadkan dalka ka qabsoontay.
Wasiir Kaahin waxa uu xusay in aad iyo aad la inoogu tixgaliyay, isla markaana ay noqoto salaankii aynu Ictiraafka ku raadsaneynay.
Waxaanu yidhi, “Adduunyada oo dhammi waxa ay innagu ammaantay doorashadii dalka ka qabsoontay 31-kii May, sumcad weyn ayay ina siisay, aad iyo aad ayaa la innoogu tixgeliyay, waxaana laga yaaba salaam aynu Ictiraafka ku raadsanayno in ay ka mid tahay”.
Geesta kale waaiirku waxa uu tilmaamay in qaar ka mida dalalka geeska Afrika lagula taliyay in ay doorashooyinkoodu u dhacaan sida kuwa Somalikand.
“Qaar ka mida dalalka Afrika waxa lagu yidhi doorashadiinu waa inay noqotaa dalka yar ee aan la aqoonsaneyn sidii ay doorashadii u qabsadeen waa inaad aqoonsataan, waynu dadaalaynaa” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.