HARGEISA , (HargeisaPress) — Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) oo ka mid ah foolaadka da’yarta suugaanta hibadda weyn ALLE u siiyay, ayaa soo saaray maanso cusub hal-ku dhigeedu yahay Qaylo-Dhaan,oo uu si xeel dheer sawir ugaga bixiyay abaaraha kulul ee tabaaleeyay bulshadda Somaliland qeybo badan oo ka mid ah.
Abwaan Xasan Dhuxul, waxa uu maansadiisan tafaasiil kaga bixiyay dhibaatooyinka is biirsaday ee lagu hayo deegaanka dabiiciga ah ee ay suurto-galka tahay inay sababtay roob yaraanta dalka bariinsatay sannadihii la soo dhaafay. Maansadani waxay u dhignayd sidan:-
“Dorraad ruuxii
Dhulka doog iyo
Duunyo fooftiyo
Ku ogaa dalag
Dadku beertaan
Wakhti doorshaa
Taa ka daba yimi.
Kolkii dabar go’a
Geedka damalkaa
Dhuxul doonaha
Loogu daw galay
Ee dadkaygoow
Dhulka danbi iyo
Dulmi laga galay
Daruur curatiyo
Roob darrooriyo
Cirkii di’i jiray
Dhibic daayoo
Dabaylaa kacay.
Sidii Daba-dheer
Abaar daran oo
Kasii digo kulul
Kuwii duro dhacay
Wataa dubatee
Kol ay duunyiyo
Dadka nool tahay
Dalkii xaadhee.
Doc shisheeyiyo
Inta dibadaha
Isla dagganee
Ka dareen liyo
Dalka joogaha
Dugsi nabadiyo
Daaro dhaadheer
Ku dakeeyoow.
Qof damiir lihi
Kuma daawado
Oon dadkiisii
Badhkood dilayee
Miyaad dar Ilaah
Ugu damqataan
Miyaad dar Ilaah
U daryeeshaan
Miyaad dar Ilaah
Kol ay dayn tahay
Wuxuun u dirtaan.
Miyuu degganaan
Dadku ladayaa
Haddii dagalkaba
Duunyo fooftiyo
Xoolo daaqiyo
Maal ka dabar go’o
Caano darayiyo
Miyaa dufan iyo
Dubaax iyo jiidh
Dollar lagu heli
Fakhri dabadii
Dab miyuu bixi
Saw dam maahoo
Gabal uma dumin
Deegaankeennii
Khayraad dihin iyo
Durdurka lahaa.
Marka roob doon
Dadku oogaan
Ey si daacada
U ducaystaan
Quluub daahira
Daayin ma qadshee
Adaa duulyohow
Xaqa dadayoo
Uurka dabayoo
Khayrka diidoo
Dalaal raacee
Dib isugu noqo
Deeqdu ma fogee
Adaa dalab lehe
Dawga saxan raac.
Diin gurguurtiyo
Haadda duushiyo
Inta deridiyo
Duudda joogtiyo
Duurgaleenkiyo
Bada doobida
Inta dacal dacal
Dhex dawaaftiyo
Dooxo godan iyo
Didib iyo Buur
Inta daaqdee
Darba caynyahay
Nafle dul ahaan
Dalqo waxa gala
Adaa daayiman
Ugu deeqoon
Mar ka daynine.
Cirkan daahmee
Daruur hoortiyo
Doogsintii gabay
Adaa deeqloow
Markaad doontaba
Soo da’ siiyee
Midaan danab iyo
Wuxuu dumiyiyo
Daad dax qaadiyo
Duufaan iyo dhagax
Dabaylo lahayn
Caano da,aya Ah
Diihaal reebtiyo
Doogsan bixisiyo
Omos damiyiyo
Dhul daweeyiyo
Raxmad daahira
Daruurihii guga
Adaa deeqloow
Dadka u hayoon
Kaaga dalabnnee
Degdegu noo sii.”