Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Oo Maanso ALLE bari Ah Ku Sharaxay Baaxadda Abaaraha

0
6049

HARGEISA , (HargeisaPress) — Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) oo ka mid ah foolaadka da’yarta suugaanta hibadda weyn ALLE u siiyay, ayaa soo saaray maanso cusub  hal-ku dhigeedu yahay Qaylo-Dhaan,oo uu si xeel dheer sawir ugaga bixiyay abaaraha kulul ee tabaaleeyay bulshadda Somaliland qeybo badan oo ka mid ah.

 

Abwaan Xasan Dhuxul, waxa uu  maansadiisan tafaasiil kaga bixiyay dhibaatooyinka is biirsaday ee lagu hayo deegaanka dabiiciga ah ee ay suurto-galka tahay inay sababtay roob yaraanta dalka bariinsatay sannadihii la soo dhaafay. Maansadani waxay u dhignayd sidan:-

 

 

“Dorraad ruuxii

Dhulka doog iyo

Duunyo fooftiyo

Ku ogaa dalag

Dadku beertaan

Wakhti doorshaa

Taa ka daba yimi.

 

Kolkii dabar go’a

Geedka damalkaa

Dhuxul doonaha

Loogu daw galay

Ee dadkaygoow

Dhulka danbi iyo

Dulmi laga galay

Daruur curatiyo

Roob darrooriyo

Cirkii di’i   jiray

Dhibic daayoo

Dabaylaa kacay.

 

Sidii Daba-dheer

Abaar daran oo

Kasii digo kulul 

Kuwii duro dhacay

Wataa dubatee

Kol ay duunyiyo

Dadka nool tahay

Dalkii xaadhee.

 

Doc shisheeyiyo

Inta dibadaha 

Isla dagganee

Ka dareen liyo

Dalka joogaha

Dugsi nabadiyo

Daaro dhaadheer

Ku dakeeyoow.

 

Qof damiir lihi

Kuma daawado

Oon  dadkiisii

Badhkood dilayee

Miyaad dar Ilaah

Ugu damqataan

Miyaad dar Ilaah

U daryeeshaan

Miyaad dar Ilaah

Kol ay dayn tahay

Wuxuun u dirtaan.

 

Miyuu degganaan

Dadku ladayaa

Haddii dagalkaba

Duunyo fooftiyo

Xoolo daaqiyo

Maal ka dabar go’o

Caano darayiyo

Miyaa dufan iyo

Dubaax iyo jiidh

Dollar lagu heli

Fakhri dabadii

Dab miyuu bixi

Saw dam maahoo

Gabal uma dumin

Deegaankeennii

Khayraad dihin iyo

Durdurka lahaa.

 

Marka roob doon

Dadku oogaan

Ey si daacada

U ducaystaan

Quluub daahira

Daayin ma qadshee

Adaa duulyohow

Xaqa dadayoo

Uurka dabayoo

Khayrka diidoo

Dalaal raacee

Dib isugu noqo

Deeqdu ma fogee

Adaa dalab lehe

Dawga saxan raac.

 

Diin gurguurtiyo

Haadda duushiyo

Inta deridiyo

Duudda joogtiyo

Duurgaleenkiyo

Bada doobida

Inta dacal dacal

Dhex dawaaftiyo

Dooxo godan iyo

Didib iyo Buur

Inta daaqdee

Darba caynyahay

Nafle dul ahaan

Dalqo waxa gala

Adaa daayiman

Ugu deeqoon

Mar ka daynine.

 

Cirkan daahmee

Daruur hoortiyo

Doogsintii gabay

Adaa deeqloow

Markaad doontaba

Soo da’ siiyee

Midaan danab iyo

Wuxuu dumiyiyo

Daad dax qaadiyo

Duufaan iyo dhagax

Dabaylo lahayn

Caano da,aya Ah

Diihaal reebtiyo

Doogsan bixisiyo

Omos damiyiyo

Dhul daweeyiyo

Raxmad daahira

Daruurihii guga

Adaa deeqloow

Dadka u hayoon

Kaaga dalabnnee

Degdegu noo sii.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here