Hargeysa, (HargeisaPress) — Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo dhawaan qaliin fudud loogu sameeyay magaalada Hargeysa ayaa maanta safar Caafimad ugu baxay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Abwaanka mudo laba todobaad ha xaalad Caafimad ugu jiray cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta duhurkii u baqoolay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaana garoonka diyaaradaha ku sii sabootiyay Fanaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska, dadweyne kale oo ay ka mid yihiin Afhayeenkii Hore Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Wariyayaal .
Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa ka hadlay safarka “Waxaan markaa Koowaad ugu Mahad Celinayaa ALLAHA AWOODOE LEH.. markaa Labaad Kooxdayda Xidigaha Geeska iyo Asaxaabtayda kale Ee Sida Wacan Ii Soo Sagootiyay, Waxaan Safar Caafimaad Ugu Yar baxayaa Turkey(Istanbul) . ayuu yidhi Abwaanku.
Abwaanku, wuxuu sheegay in maalmihii uu ku jiray cisbitaalka Gargaar ay dhakhtaatiirta iyo hawlwadeenada kale ee cisbitaalku si wanaagsan ugu shaqeeyeen.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa