Abiy Axmed oo Sheegay Inay Ka Go’an Tahay Fulinta Heshiiska Tigray

0
670

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa u sheegay xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya inay ka go’an tahay heshiiskii nabadeed oo uu kula gaadhay hoggaanka Tigray-ga waddanka Koonfur Afrika horraantii bishan, si loo soo afjaro colaadda dad badan lagu dilay ee labada sano ka socotay waqooyiga gobolka Tigray.

Khudbad uu Salaasadii ka hor jeediyay baarlamaanka, ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in dhinacyada dagaallamaya ay tahay inay hadda xaqiijiyaan inay raacaan heshiiska.

“Waan ka wadahadalnay, waanu heshiinay, waana saxeexnay,” ayuu yidhi Abiy. “Waxa xiga ayaa la filayaa in la fuliyo.” ayuu raaciyay.

Fulinta heshiiskan oo kaliya, ayuu sheegay inay, “keeni karto nabadda mid waarta.”

Sida ku cad shuruudaha heshiiskii xabbad-joojinta ee 2-dii Nofembar lagu saxeexay Pretoria, dowladda federaalka Itoobiya waxay la wareegi doontaa xudduudaha gobolka Tigray, waddooyinka, iyo garoomada diyaaradaha halka dagaalyahannada Tigrayga ay hubka dhigi doonaan.

Novembar 12-keedii, taliyayaasha milateriga ee matalaya dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa gobolka Tigray, ayaa saxeexday heshiis ay ku jiraan hub ka dhigista hubka culus iyo ka bixitaanka “ciidamada shisheeye iyo kuwa aan ENDF (milateriga federaalka)” ee gobolka Tigray.

Abiy, ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in nabaddu ay lama huraan tahay si loo hagaajiyo dhaqaalaha loona ilaaliyo “jiritaanka, madaxbanaanida, iyo midnimada” Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof.

“Nabaddu mar walba waa wanaagsan tahay,” ayuu yidhi Abiy, isagaoo raaciyay. “Xitaa haddii aad guuleysato, dagaalku waa xun yahay mar walba, sababtoo ah waxaad dilaysaa dadka, waxaad gubeysaa dollar.”

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, ayaa ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xildhibaannada baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here